berberatoday.com
Koonteenar Agab Ciidan Ku Jiro Oo Dekeda Berbera Lagu Qabtay Iyo Cida Lala Xidhidhiyay Lahaanshihiisa
November 8, 2019 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Todabaadkii Tagay waxaa Dekada Berbera Lagu qabtay Koonteenar Lagasoo Buuxiyay Booshashka rasaasta Lagu Gurto ee Ciidamadu adeegsadaan iyo Galalka Baaskooladaha lagu rito oo aad utira badan.

Dekada Berbera waxaa ka mamnuuc ah in lala galo oo lagala soo dego agab kasta oo kamida waxyaabaha hubka loo adeegsado noocyadiisa kala duwan iska daa hadalkeeda rasas nool iyo hube.

Hadaba Agabkan qalabkan ciidan oo dad shacab ahi siteen waxa qabtay booliiska Dekeda Berbera qaybta Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Turubataariyada siday warbaahintu xogta ku heshayna konteerarkan waxa lagu cashuuray in ay ku jiraan buldado huudhaydh ah ama dhar la Isticmaalay kuwaas oo xaga hore ee koonteenarka lagusoo guray Sida uu noo xaqijiyay sarkaal sare o ka tirsan madaxda dekada berbera waxa iminka loo xidhay labo nin oo mukhalsiin ah oo iyagu cashuurayay koonteenarkan.

Haddaba waxa La Yaab Leh inaan weli la xidhin talaabo sharcina laga qaadi Saraakiishii Kastamka Berbera ee ul Xilsaarnaa soo xaqiijinta agabka kujira koonteenarkan iyo Masuulkii Barxada haystay ee saxeexa udanbeeya ee lagu raraayay ku dhuftay oo iyagu weli si caadiya shaqdoodii uwata.

Sidoo kale Waxa Baxsaday  labada Mukhalis ee qalabkan Ciidan cashuuraayay hase yeeshe dabagal dheer laba maalmood kadib Booliska Dekeda Berbera soo Xidheen iyaga oo Marakay Baxsadeena Koonteenarkii agabku ku jiray sii qufishay.

Waxa kaloo Jirta in Koonteenarka oo Nimanka Mukhalisiinta ahaa ee Baxsaday uxidhnaa waxa shalay lagu furay waaran maxkamadeed iyaga oo goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil Booliska Iyo Maamulka sare Ee Dekeda Iyo Kastamka Berbera,

dhacdadan ayaa sida aanu xogta ku helnay waxaa fashillyay askari katirsan Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Booliska Dekeda oo isagu aan shaqadaba lahayn laakiin meesha koontenarka laga rarayay marayay waxaanu waydiiyay  sarkaal kastamka ka socday kumaa idiin raraya dhinac askarta isla markiiba sarkaalka la yidha Cabdiqani Khayre ayaa u hanjabay oo ku yidhi iska soco shaqadaadii maahee, intaasi kadib askarigii hadalo ayaa la isdhaafsaday waxaanu dalbaday askar kale o tubataariayada ah halkas ayaana lagu fashliyay laakiin waxa iswaydiin leh sarkaalkii askarga u hanjabay shaqadiisii ayuu wataa ilaa hadee Sababta talabo looga qaadi waayay, Dhanka kale koonteenarkani wuxuu ku diiwaan gashana Xafiiska shirkada ganacsiga Indha Deero group oo been abuur ah taasina wa danbi kale sida ay xog qarsoon usoo dusiyeen warbaahinta madaxa banana shaqsiyaad kamida hawl wadeenada Kastamka Berbera

sidoo kale arinka kale ee layab kale ayaa ah in Ninka ka Socday Qaybta Eegitanka(Checking) ugu Horeya Kastamka ee Koonteenarka ee Examanerka ahaa iyo Labada sarkal ee ku Qornaa raritaanka Koonteenarka iyo labada Mukhalis ee Cashuurayay iyo Shaqsiga lehba ay isku beel kasoo jeedaan tani ayaana shaki badan keentay in musuq maasuqani mudo soo taxnaa meesha jiro,

koonteenarkaa oo ku cashuuran buldado huudhaydh ah Lama oga illaa iminka meesha lagu waday koonteenarkan  ay ka buuxaan booshashka rasaasta lagu gurto iyo Galalka Boostaladaha Lagu Qaato Dabcana sida xogaha hoose ee ka imanaya laanta dambi baadhista ee Booliiska Gobolka Saaxil laga soo xigtay sheegayan wali badhitaan qoto dheer oo lagu ogaanayo agabkan Ciidan iyo halka lagu waday ayaa socda.

khladaadkan ka dhacay Maamulka kastamka berbera waxa sababay ayay dad badan qabaan amaba la odhan karaa labada maamul kastamka oo berbera dusha la iska saaray iyadoo sidaynu ognahay ay ka timid in badan ganacsatada cabasho ku salaysan labada mamul ee la isdul dhigay iyadoo maamulaha guud ee kastamku ay awoodiisii daciiftay khilaaf ka dhexeeya Agaasimaha Guud ee wasaarada Maaliyada oo Sababay Inuu Agaasimuhu Soo magacaabo Laba Masuul Oo Barxada Dekeda Madax ka ah oo ka Madax banaan maamulha Kastamka Berbera kuwaas oo markii shaqada maamulkeedii baahay keentay in qalabkan Ciidan oo mabnuuc ka ah Dekeda inay dad shacab ahi kala soo dagaan uu Dekeda kasoo dago oo weliba si dirqiya askari ku qabto isaga oo bixiba lahaa.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews