berberatoday.com
Muxuu Sameeyay Al Baqdaadi Isbuucyadii Ugu Dambeyay Ee Noloshiisa
November 8, 2019 - Written by Berbera Today

Baghadad(Berberatoday.com)-Sida laga soo xigtay dadkii la shaqeynayay, wuxuu dhowrkii isbuuc ee ugu dambeeyay ku bixiyay siduu u heli lahaa meel uu ku dhuunto ka dib markii culeys uu ka soo koray Bariga Suuriya oo inta badan laga qabsaday ururka la baxay dowladda Islaamka.

Muddo afar bilood ah wuxuu haystay gabar yar oo Yazidi ah oo adoon ahaan uu ugu galmoon jiray. Wuxuu u sii kexeysay jiray meelaha uu safarrada ku aadi jiray, xilliyadaas oo ay wehlinayeen illaa toddobo qof.

Waxaa jirtay xilli uu u kexeystay magaalada Dashisha oo saaran xuduudda Suuriye ee ururkiisa ay haystaan.

Sidoo kale, wuxuu mar gabadha uu uga tagay guriga uu lahaa Al Baqdaad isodoggii, halkaas oo mararka qaar uu ku booqan jiray oo uu ku “kufsan jiray”, sida ay gabadha u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Wuxuu aalaaba safarrada aadi jiray habeenkii, isagoo xiran kabaha orodada, wejigana uu u duuban yahay. Aalaaba waxaa ilaalin jirtay illa shan nin, sida gbadhaa yar laga soo xigtay.

Waa markaa ka dib ku dhashay “walwal badan” oo la xiriirtay cabsi uu ka qaaday khiyaanada iyo in lagu dhex milmay amiirradii gobollada ururka uu haystay,” sidaa waxaa laga soo xigtay seedigii, Maxamed Cali Sajit, oo xalay la hadlay telefishinka Al-Carabiya.

Mararka qaar wuxuu iska dhigi jiray ari-jir, wuxuuna ku lebisan jiray jaakad qaraxda. Xitaa marka uu seexanayo wuxuu dhigi jiray agtiisa. Kaaliyayaashiisa ayuu sidoo kale ku qasbay in suman qarxa ay xirtaan.

Weligii ma isticmaalin telefoon, balse kaaliyihiisii ugu dhowaa ayaa haystay mobile, sida uu seedigii Sajit sheegay.

Walwalkaas wuxuu sababay in sokorow ama cudurka macanka uu ku dhaco hoggaamiyihii ururka la baxay Khilaafada Islaamka. Markasta wuu cabiri jiray, wuxuuna isticmaali jiray dawada sokorta ee insulin.

Ugu dambeyn, wuxuu ka guuray deegaannadii IS, wuxuuna ku dhex dhuuntay dhanka Woqooyig-Galbeed ee Suuriya oo ka tirsan gobolka Idlib.

Wuxuu ku noolaa deegaanno ay mamulaan ururka Hayat Taxriir Al-Sham oo ah koox xiriir la leh Al-Qacidda, dagaal adagna uu kala dhexeeyo IS.

Sababta uu deegaankaas u doortay waxay ahayd in ay tahay meesha keli ah oo weli aysan qabsan dowladda Suuriya, sida ay ku doodayaan saraakiisha Mareykanka.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews