berberatoday.com
Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Ee Xilka Laga Qaaday Oo Deegaamo Katirsan Gobolka Sanaag Soo Gaadhay
November 9, 2019 - Written by Berbera Today

Xiingalool(Berberatoday.com)-Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo khamiistii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland xilka ka qaadeen ayaa isaga tagay magaalada Garawe oo horey u degnaa.

Dhoobo Daareed iyo ciidamo badan oo ilaalo u ah ayaa shalay galab gaadhay deegaanka Xiingalool ee Gobolka Sanaag, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay waxgaradka magaalada iyo dadweyne kaloo aad utira badan.

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland ayaana horey sharci daro ugu tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna ku adkeestay in uu wali yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka uuna ku yimid sifo sharci ah.

Mr Dhoobo ayaan wali ka hadlin safarka uu ku gaadhay gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag, lamana oga in halkaasi ka bilaabi doono iyo in kale abaabul ka dhan ah maamulka Puntland uu horey uga tirsanaa.

Gobolka Sanaag ayaa maamulkiisa waxaa isku haysta Dawlada Somaliland iyo Puntland, waxaana la sheegay in Gudoomiyaha xilka laga qaaday gobolkaasi ku leeyahay taageerayaal badan.

Khilaafka ka dhashay xil ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa wali la dareemayaa, waxaana magaalada Garawe ku sugan Suldaanka Guud ee Beesha Harti ah oo ah beesha iska leh xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.

  

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews