berberatoday.com
Badeecada Cashuurteedu Tahay 66 Milyan Oo Dekeda Berbera Sife Tuugo Ah Kaga Baxday Oo Maalmo Kadibna La Ogaaday
November 12, 2019 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Dekeda Berbera waxa maalintii Sabtida ee 9/11/2019 sife tuugo ah oo bila cashuura loogala baxay alaab ganacsi lacagta cashuurteedu tahay 66 Milyan oo Shilin Somaliland ah, alaabtaas oo nooceedu ahaa Leetarada sigaarka Laga Shito nooceedu usamaysan sida Baastoolada waxaana alaabtan lahaa Ganacasde reer hargaysa ah oo magaciisa lagu sheegay Ina Horufadhi halka uu Cashuuraayay Mukhalis Lagu magacaabo Ina Gamuute oo kamida raga sida joogtada ah Badeecadaha uga cashuura Dekeda Berbera.

Alaabtan oo sife tuuga ah Dekeda Kaga baxday ayaa waxay kujirtay sida aanu xog rasmiya ku helay Koonteenar ay kula jireen Badeecad kaloo ganacsi waxaanu ahaa(Parcial Container)alaabo kala duduwani kula jirtay oo dad kala duwani leeyihiin,

Alaabtan Sifaha Tuugada ah Dekeda kaga baxday ayaa waxa la ogaaday laba maalmood kadib markii alaabtu Hargaysa gaadhay.

Tuugadan alaabtan lagu rartay ayaa sida aanu xogta kuhelay waxa laga ogaaday Kamarada Qarsoon ee Dekeda Ugu Xidhan Shirkada DP World iyada oo wakhtigaas laga baadhayay dhacdooyin kale oo shirkadu ubaahnayd ayaa la arkay Koonteenarka Sifaha Tuugada ah Badeecada Looga rarayo markaas ayaa lagu wargaliyay Masuuliyiinta Kastamka Berbera arinkaas kadibna waxa la eegay Koonteenarka iyo badeecada kujirtay in lawada cashuuray iyo In kale iyada oo la raacayo habka Waraaqada Manafeska ee rarka Markabka  waxaana la ogaaday inaan la cashuurin badeecadaas Leetarada sigaarka laga shito ah ee nooca baastooladaha usamaysan oo cashuurteeduna qaali tahay Waxaana isla markiiba Xabsiga loo taxaabay Mukhaliskii alaabtas koonteenarka ka raray oo lagu Magacaabo Ina Gamuute oo Sadex maalmood Uxidhnaa arinkaas maalintii shalay ayaa Ganacasdihii badeecada lahaa soo shubay lacagtii badeecada oo ahayd 66 Milyan oo Somaliland Shilin ah laguna shubay Khasnada Kastamka Berbera lana sii daayay Mukhaliskii uxidhnaa iyo nin kaloo isaguna kamida raga loo tuhmaayay inay fududeeyeen tuugadaas lagu xaday cashuurta dawlad.

Muranka Laba maamul oo Wasaarada Maaliyadu usamaysay Kastamka Berbera oo waayadan danbe taagnaa ayaa loo aanaynayaa in Koonteenarkan bilaa cashuurta ah iyo kuwo kaloo badaniba Ka Baxaan Dekeda Berbera oo Hargeysa badeecadii oo suuqyada iibka taala cashuurteedii dib baryo loogu keeno khasnada kastamka Berbera waana fadeexad dul hoganaysa Wasaarada maliyada oo Kastamkii Berbera ee maamulka Kaliya lahaa usamaysay laba maamul oo xintamaya laba awoodood oo isleegna leh waxaana la tuhunsanyahay in Musuqmaasu baahsani ka jiro Kastamka Berbera iyo waaxda cashuraha.

Maamulada Isximinaya ee Kastamka Berbera ku loolamaya ayaan ilaa hada wax wara ka soo saarin badeecadan sifaha tuugada ah looga rartay Dekeda Berbera.

Xiliyadii Dawlada Somaliland Gacanta ku hayn jirtay Maamulka Dekeda Berbera ayaa waxa culays ilaalin cashuureeda samayn jiray Maamulka Dekeda Berbera oo lahaa qeyb layidhaa socodka badecadaha oo wax kasta oo Kastamku cashuuro dib u eegis ku samayn jiray si adagna u ilaalin cashurta dawlada halka Shirkada Dekeda Berbera hadda maamusha ee DP World kaliya  ay eegato shaqadeeda oo ah adeega qalabyada dekeda ka dhex shaqeeya iyo Qaadista lacaga Cintainer Charge ,Handle Charge, Crine Charge iyo Lacagta mitirka badeecada wax doorana anay ku lahayn cashuurta iyo daba galkeeda.

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews