berberatoday.com
“Nin Maskaxda Ka Xanuunsan Oo Reer Guuraa Ahaa Ayay Reerkoodii Awr Layli Ah Saareen, Awrkii Ayaa La Buubay Kadibna Reerkii Werewer Ayaa Lasoo Darsay Khasaaraha ka Dhalan Kara Awrka Buubay Waxase Ninkii Maskaxda Ka Xanuunsanaa Laga Sheegay Inuu Yidhi Waa Sidaan Rabay”W/Q Maxamed Haaruun Biixi
November 25, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxamed Haaruun Biixi Oo Katirsan Xisbiga Waddani ayaa Bartiisa Facebooka Soo dhigay Qoraal uu kaga hadlay dhaarta maanta la dhaariyay gudida Kala Dhiman ee khilaafka abuurtay ee Doorashooyinka Waxaanu Qoraalkiisu udhignaa Sidan”

Nin xanuunsanaaya oo madaxa lagaga Jiro, ayaa qoyskiisii oo reer guuraa ahi awr ku qaadeen. Awr layli ah oo aan hayin noqonin ayaa ay saareen, maxaa yeelay wax kale ma ay haynin. Ninkii baa awrkii la buubay oo la boodbooday, dadkii na waa qayliyeen oo qayliyeen, iyaka oo khasaaraha dhici kara ka walwalsan. Ninkii awrka saarnaa waxa laga sheegay in uu yidhi – waa sidaan rabay! Imika Somaliland awrkii ay xamaanta ku wadatay in uu buubay waa loo jeedaa, ninkii gurada saarnaa na waxa uu leeyahay waa sidaan rabay.

Maanta culimadii iyo ganacsatadii buu la balansanaa, intii aanay la kulmin na nimankii Guddiga keligii u ahaa ee uu samaystay ayuu yidhi waan dhaariyay, xilka na Ilaahay ha idiin fududeeyo ayuu warkii ku jaray. Taas micnaheedu waxa weeye uun mid keliya – cidna loo joojin maayo ee yaa wax iga qaadi kara. Waxa cad in uu Muuse kibirsanyahay, sidii Siyaad Barre oo kale, laakiin Siyaad waxa uu ku dagmay, ee tayda oo keliya ayaa soconaysa in uu yidhaahdo geyaysiiyay waa la garanayaa, ee bal Muse muxuu ku kibray? Sababtu waa mid keliya aniga fikirkayga – waxa uu is leeyahay umadda kale ee wax kula lehi caqligooda ayay isticmaalayaan, oo tudhaale badan ayaa ku jira, oo xadhiga kolka aad giijiso, ee giijiso, iyaka ayaa sii daynaaya si aanu u go’in. Kaas weeye xisaabtankiisu. Wuu se ogyahay in qof kasta, xataa haweenkii isaga iyo qoyskiisu ay dhulka ka qaadaayeen, ee TV ga ka ooyaayay na ku dhehoo, uu qof kastaa wax samayn karo. Laakiin wuxu aaminsanyahay in laga soconaayo, lagana socon doono mar kasta iyo si kastaba. Xisab xun ma aha, laakiin waa xisab lagu dagmi karo.

 

Maxamed Haaruun Biixi

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews