berberatoday.com
Kongareska Mareykanka Oo Ka Damqaday “Dhibaatada Heysata Muslimiinta Shiinaha”
December 4, 2019 - Written by Berbera Today

China(Berberatoday.com)-Aqalka wakiilada ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed lagaga hortagayo “jirdilka, dhibaatada iyo xabsiga ay Dowladda Shiinaha ku heyso Muslimiinta Uighur ee dalkaas”.

Hindisahan ayaa waxaa ku jira in cunaqabateyn lala bartilmaameedsado qaar kamid ah saraakiisha Dowladda Shiinaha, gaar ahaan xoghayaha xisbiga dalkaas ka arrimiya u qaabilsan gobolka Xinjiang, Chen Quanguo.

Hasayeeshee hindisahan ayaa si uu u dhaqangalo waxaa uu u baahan yahay in ay ansixiyaan aqalka sare ee senetka iyo madaxweyne Donald Trump.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in arrimahan ay yihiin “kuwa khuseeya dalkeeda” oo aysan ahayn mid u taala Mareykanka.

Tallaabadan ayaa imaaneyso maalma un kadib markii madaxweyne Trump uu saxiixay hindise sharciyeed kale oo lagu taageerayo kooxaha dimuqraadiyad doonka ah ee Hongkong, taas oo ka careysiisay Dowladda Shiinaha.

Xildhibaano gaaraya 407 ayaa isku raacay ansixinta hindise sharciyeedkan, waxaana kasoo horjeestay hal xildhibaan oo keliya.

Aqalka Kongareska ayaa sheegay in ujeedada ay ka leeyihiin tallaabadan ay tahay “sidii wax looga qaban lahaa ku xadgudubka xuquuqda dadka Uighur ee gaaraya halka milyan”.

Hindise sharciyeedkan ayaa la filayaa in uu xiisad horleh ka dhex abuuro dalalka Mareykanka iyo Shiinaha, taas oo laga yaabo in ay saameyn ku yeelato heshiisyada aan cagaha badan ku taagneyn ee dhanka ganacsiga.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxaa ay shegeen in kumanaan Muslimiinta Uighur si khasab ah loogu hayo xeryo aad loo ilaaliyo oo ku yaala goolka Xinjiang.

Dadkan ayaa la sheegay in si khasab ah loo tashkiiliyo, si maskaxdooda looga tirtiro waxa ay aaaminsan yihiin.

Dowladda Shiinaha ayaa dhowr jeer ku celcelisay in xeryaha ku yaala galbeedka fog ee gobolka Xinjiang ay yihiin kuwa tababaro iyo waxbarasho asaasi ah lagu siiyo dadkaas.

Waxaa kale oo ay Dowladda Shiinaha toddobaadkan joojisay booqasho ay maraakiibta iyo diyaaradaha ciidanka badda ee Mareykanka ku tagi lahaayeen Hong Kong, kadib markii Mareykanka uu tagaeero u muujiyay kooxaha dimuqraadiyad doonka ah oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda xukuumadda Beijing.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa Mareykanka ku boorisay in uu joojiyo “faragelinta uu ku hayo siyaasadda arrimaha gudaha ee dalkeeda”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews