berberatoday.com
Nuxurka Dood Xiiso Leh Oo Lagu Falanqeeyey Xalka Tacaddiyada Ka Dhanka ah Dadka la Nool HIV/AIDS Oo Hargeysa Lagu Qabtay!
December 4, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dood lagu falan-qeynayey ilaalinta Xuquuqda dadka la Nool Xanuunka HIV/AIDS-ka iyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel loogana hortegi lahaa Faquuqa ay bulshada kala kulmaan, ayaa xalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, iyadoo qiyaasta Dadka la nool HIV-ga ee Somaliland ku dhaqan ay yihiin illaa Laba iyo Toban Kun oo Ruux.

Kulankaas, ayaa qayb ka ahaa Ololaha 16-ka cisho ee ilaalinta Xuquuqda Dadka nugul, oo ay si wada-jir ah u wadaan Komishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland iyo Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

Intii aanay dooddu si rasmi ah u bilaabmin, waxaa kulankaas hadallo kooban ka jeediyey agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan iyo Agaasimaha fulinta ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan. Iyaga oo ka warramay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dadka la nool HIV/AIDS iyo Doorka kaga aaddan wax-tarka dadkaas Wasaaradda iyo Komishanka.

Intaas ka dib, waxaa la guda-galay ujeeddada kulanka oo ahayd Doodda, isla markaana ay ka qayb-qaateen Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Maxamed oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Luul Aadan Geeddi oo ka socotay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha  Bulshada, Aasiya Cabdiraxmaan Axmed oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyo Guuleed Cismaan Cabdikariin oo ah Guddoomiyaha Ururka Talo-wadaag oo taageera Dadka danyarta ah ee la nool HIV/AIDS iyo Cabdillaahi Maxamed Bile oo ka socday Komishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland.

Dr. Cabdiraxmaan, ayaa ka warramaya Tacaddiyada ay la kulmaan Dadka la nool HIV/AIDS iyo xalka caqabadaha lagaga gudbi karo dhibaatooyinka jira. Sidoo kale, Cabdillaahi Maxamed Bile oo ka socday Komishanka Xuquuqda Aadamaha, waxa uu sheegay garab-istaagga ay u samayn karaan Dadka nugul.

Gebogabadii Xubnaha kale ee doodda ka qayb-qaatay, ayaa soo jeediyey in la joojiyo takoorka ay Bulshadu ku hayso dadka la nool HIV/AIDS, iyagoo tilmaamay in loo baahan yahay inay dowladdu hirgeliso shuruuc Dadka xanuunka la nool suga xuquuqdooda, kana difaaca tacaddiyada ka dhanka ah ee bulshada kaga imanaya, iyagana xaddida, qabtana cidda fidisa xanuunka.

Doodda oo dhammaystiran habeen-dambe ayaad daawan doontaan haddii Illaahay idmo. Hayeeshee, War xambaarsan nuxur kooban oo ku saabsan dooddaas iyo doorka labadan Hay’adood ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews