Itoobiya Oo Ka Hadashay Weerar Inter-net-ka Ah Oo Lagu Soo Qaaday
December 6, 2019 - Written by Berbera Today
Addis-Ababa(Berberatoday.com)-Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in maanta lagu soo qaaday weerarro halis ah oo lagu bartilmaameedsaday meelo muhiim ah, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in khalkhal lagu geliyo dalka.
Hay’adda Amniga qaranka ee INSA ee dhinaca Internet-ka ee Itoobiya ayaa waxay sheegtay in maanta ay uu dalku la kulmay weerarro bartilmaameedkoodu ahaa hay’adaha dhaqaalaha, si dalka looga fadhiisiyo nidaamyada xisaabeed.