berberatoday.com
Tababarihii Saddexaad Oo Toddobaad Gudihii Laga Eryey Premier League
December 6, 2019 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Kooxda Everton ayaa ceydhisay tababare Marco Silva ka dib guuldaradii 5-2 ee xalay ka soo gaadhay kooxda deriskooda ah ee Liverpool.

Marco Silva ayaa la sheegay inuu macsalaameeyay ciyaartoyda kooxda Everton intii ay ku jireen qolka labiska garoonka Anfield xalay isagoo iska sii ogaa inuu maanta waayi doono shaqadiisa.

Silva oo 42 sanno jir ah ayaa cadaadis weyn ku hoos jiray ka hor kulankii xalay, waxaana uu arkay kooxdiisa oo afar gool laga dhaliyay qeybtii hore.

Waxaa lagu sawiray isagoo xarunta tababarka Everton tagaya saddex saacadood ka hor inta aan la gaadhin waqtigii tababarka loo balansanaa.

Mulkiile Farhad Moshiri ayaa isaga dabadii yimi xarunta tababarka waxaana uu weyddiistay ciyaartoyda inay baaqi ku sii ahaadaan garoonka tababarka, waxaana uu ku wargeliyay tababarka ka dib inuu ceyriyay tababare Silva.

David Moyes ayaa la aaminsan yahay inuu ugu cadcad yahay inuu dib ugu soo laabto garoonka Goodison Park oo uu bedelo Marco Silva.

Waxaa la aaminsan yahay in tababaraha reer Scotland uu shaqada isku diyaarinayay isbuucyadii ugu danbeysay isagoo sugaya kaliya in si rasmi ah loo shaaciyo.

Mulkiilaha Everton ayaana haatan ka fekeraya labo arimood midkood oo kala ah: inuu magacaabo tababare ku meel gaadh ah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ama inuu magacaabo Moyes oo uu tababare joogta ah ka dhigo mar kale.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews