berberatoday.com
FBI-da Oo Abaalmarin 5 Milyan Oo Doolar Ah Dul Dhigtay Ninka Bambooyinka U Sameeya Al-Shabaab Oo Ka Soo Jeeda Dalka Mareykanka
December 7, 2019 - Written by Berbera Today

Muqdisho(BErberatoday.com)-Hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay in cid walba oo soo sheegta goobta uu ku sugan yahay nin u dhashay Mareykanka oo Al Shabab u qaabilsan howlaha sameynta bambanooyiinka ay siin doonaan abaalmrin lacageed oo dhan 5 milyan oo doolar

Abaalmarintan ayaa markii hore la soo saaray ka dib markii dacwad ooge ku sugan gobolka California uu dib u furay gal-dacwadeed ka dhan ah Jehad Serwan Mostafa, oo ah 37 u dhashay Mareykanka.

Ninkan ayaa la sheegay in muddo dheer xubin ka ahaa ururka Al-Shabaab ee uu fadhigiisu yahay Soomaaliya.

“Waxaan rumaysan nahay in uu yahay muwaadinka ugu daraja sareeya ee ka barbar dagaalamaya urur argagixiso ah oo dibadda ka jira,” ayuu yiri Robert Brewer, oo ah dacwad oogaha sare ee koonfurta California.

“Argagixisada Al-Shabaab waxay halis ku yihiin amniga qaranka, dalalka aan bah-wadaaga nahay iyo rayidka aan waxba galabsan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Brewer.

“Maanta waxaan caawin ka codsanaynaa dadwaynaha, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Mostafa.”ayuu yidhi

Scott Brunner, oo ah sargaal ka tirsan FBI ayaa gaar ahaan ka codsaday dadka bariga afrika inay gacan ka geystaan sidii loo ogaan lahaa goobta uu ku sugan yahay Mostafa, oo la rumaysan yahay in uu joogo koonfurta Soomaaliya.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews