berberatoday.com
Kooxda Arsenal Oo Ku Dhawaaqday In Mikel Arteta Uu Yahay Macallinkeeda Cusub
December 20, 2019 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday,com)Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku dhawaaqday in Mikel Arteta uu yahay macallinkeeda cusub, waxaana uu u saxiixay heshiis saddex sanadood iyo badh ah.

Mikel Arteta  ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Arsenal isagoo noqday tababaraheeda joogtada ah ka hor kulanka ay la leeyihiin Naadiga Everton.

Waxa uu adduun dhan 10 milyan oo gini uga soo biiray kooxda Everton bishii Agoosto ee sanadkii 2011-kii, waxaana la soo wareegay Tababare Arsene Wenger oo markaas maamulayey Gunners.

Kabtankii hore ee Arsenal Arteta ayaa ka hoos shaqeynayey macallinka Man City ee Pep Guardiola muddooyinkii dhowaa, laakiin haatan ayuu macallin rasmi ah ka noqday Arsenal.

Arteta ayaa shaqada Arsenal ka bedelay macallinkii ku meel gaarka ahaa ee Freddie Ljungberg, waxaana ninka reer Spain uu hoggaamin doonaa kulankiisii ugu horreeyey Arsenal isagoo macallinka ah ciyaarta berri oo Sabti ah ay ka horjeedaan Everton ee horyaalka Premier League.

Mikel, kabtankii hore ee Arsenal ayaa u ciyaaray Gunners shan xilli ciyaareed laga soo bilaabo sanadkii 2011-kii illaa 2016-kii, waxaana hadda uu qalinka ugu duugay qandaraas saddex sanadood iyo bar ah.

Waxa uu Arsenal u saftay 150 kulan, waxa uuna safka hore ku soo bilowday 131 kulan, waxa uu u dhaliyey 16 gool, waxa uu u sameeyey 8 caawin, isagoo kula guuleystay 2 FA Cup.

Gool FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews