berberatoday.com
Liverpool Oo Hogaanka dhibcaha Sii Dheereysatay Leiceste City-na Karbaashatay
December 27, 2019 - Written by Berbera Today

Leicester(Berberatoday.com)-Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay kooxda Leicester City oo ay ku booqatay garoonka King Power, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-4, ciyaar ka tirsaneyd kulamada Boxing Day-ga ee horyaalka Premier league.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Trent Alexander-Arnold.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 71-aad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay James Milner, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-2.

74 daqiiqo kooxda Liverpool ayaa hoggaanka dheesha sii dheereysatay, kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 0-3 xiddiga reer Brazil ee Roberto Firmino.

78 daqiiqo Trent Alexander-Arnold ayaa ciyaarta ka dhigay 0-4 oo ay ku hoggaamineysay kooxda Liverpool waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sadio Mane.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-4 ay kooxda Liverpool guul kaga gaartay dhigeeda Leicester City oo ay marti ugu noqotay garoonka King Power.

 

 

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

 

Sources Goolfm.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews