Real Madrid Oo Hanatay Koobka Spanish Super Cup-ka
January 13, 2020 - Written by Berbera Today
Madrid(Berberatoday.com)-Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup ka dib markii ay rikoodhe 4-1 ku garaaceen kooxda Atletico Madrid ciyaartii finalka ee ka dhacday magaalada Jedah ee dalka Sucuudi Arabia.
90kii daqiiqo ee ciyaarta iyo 30 daqiiqo oo dheeri ah oo lagu daray ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay ismari waayeen xilli Valverde casaan laga siiyay Los Blancos dhamaadkii 30ka daqiiqo ee dheeriga ahaa, laakiin rikoodhe la isla aaday ayaa waxaa 4-1 ku badisay Los Blancos iyadoo rikoodhihii ugu danbeysay ee koobka xaqiijisay uu saxeexay kabtan Sergio Ramos.