berberatoday.com
Reer Bakayle ayaa reer Dibigaale Dayn ka qaatay!! W/Q Sacad Cali Kaahin Balaaki
January 13, 2020 - Written by Berbera Today

Beri ay abaari dhacday ayay reer Bakayle shireen oo waxay is waydiiyeen sidii ay u raadsan lahaayeen waxay abaartan kaga baxaan oo amaah ah” reer bakayle waxay yidhaahdeen waar reer Dibigaale inoo geeya aynu amaah kasoo qaadanee” Dabeedna waxay u yimaadeen reer Dibigaale oo waxay ku yidhaahdeen waar waatan oo abaar gaag ma reebaa dhacdaye wax nasii amaahiya” reer Dibigaale waxay yidhaahdeen waayahaye goorma ayaa dayn baxaysaan hadaanu imika wax idin sii amaahino Reer bakaylaw” sida macruufka ahna Dibigaaluhu waa xayawaanka kayd sii dhigta isaga iyo qudhaanjada iyo shinada iyo group kaas oo dhami’ Reer Bakayle waxay yidhaahdeen waxaanu dayn baxaynaa marka roob da.a.o ee ilaahay raxmaad shubo” waayahay ayay yidhaahdeen reer Dibigaale oo dhawr bakhaar oo kaydkoodii ah ayay sii amaahiyeen Reer Dibigaale markii roobkii da.ay ayay reer Bakayle yidhaahdeen waar dayntii reer Dibigaale iskama bixin karo oo waxaynu ku bixino mahaynee taliya bal” Reer Bakayle waxay taladii rogrogaanba ileen reer tacaba maahee waxay taladii isugu geeyeen inay dhuuntaan oo waxay yidhaahdeen waar reer Dibigaale waakuwan maalintii qadhaabtee inagu aynu habeenkii daaqno dhulka si aynaan Reer Dibigaale aynaan isuba arkin yaan mid qudha oo Reer Bakayle ah oo maalin daaqayaba la arkin” reer Bakayle taladaas ayay gaadheen ilaa hadana sidii ayuu Bakayle habeenkii u qadhaabanayaa’ Reer Dibigaale sidii ayay reer Bakayle u sugayaan oo Dibigaale meel uu joogaba waxbuu bidhaaminayaa oo waakaa markuu in yar socdaba intuu labada lugood ee dambe isku taago wax eegaya. Imika se waxaad moodaa inay arintu is bedeshay oo Reer Bakayle daaqii waagu ugusoo beryaayo Reer Dibigaale.na ay iskusoo baxayaan sidaasay arintu usoo eegtay ifafaalaha muuqda.!!! Bal caawa halkaa haynoo joogto…..

 

 

W/Q Sacad Cali Kaahin Balaaki

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews