berberatoday.com
Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Oo Deganka Gambadhe Ee G.sool Ka Dhagax Dhigay Dhismaha Deked Qalalan Dry Port
January 14, 2020 - Written by Berbera Today

Gambadha(Berberatoday.com)-Mareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Ayaa Deganka Gambadhe Ee G.sool Ka Dhagax Dhigay deked qalalan Dry Port oo la dhigi doono badeecadaha kala duwan ee kasoo daga Dekedaha Somaliland ee usiin gudbiya Dalalka Putland Iyo Somaliya.

Waxaana dhagax dhigay Dekeda Qalalan Maareyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillahi Ku wehelinaayay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamed Jiidhe, xubno katirsan gudida Ganacsiga Xorta ah ee Dekeda Berbera iyo Engneerka Guud ee Dekeda Somaliland Dr Cabdiraxmaan.

Maareyaha oo ka hadlay xafladaasi dhagax dhiga ayaa tilmaamay inay Dekedan qalalani qiime weyn ugu fadhido Qaranka Somaliland iyo wada jaarka ah ee ay Somaliland xidhiidhka ganacsi leeyihiin maadama oo badeecad aad utira badan oo dekeda Berbera kasoo daga iyaga oo Koonteenaro kujiraa ka gudubaan Xadka ay Somaliland iyo Somaliya wadaagaan gaar ahaan xadka Maamul Goboleedka Putland Somaliya waxaana sababta Dekeda Bosaso ee Putland oo aanay tagin Maraakiibta Kooneerada Xambaaraa kumana xidhan karaan.

Waxaanu Maareye Siciid sheegay in si dhakhso ah loo dhisi doono Dekedaas qalalan oo kamid noqon doonta ilaha dhaqaale ee dalka Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe oo isaguna Xaflada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay inay aad iyo aad Gobolka Sool ahaan ugu faraxsan yihiin in Dekeda qalalan oo ganacsi Deegaanka Gambadha ee Gobolka Sool laga dhagax dhigo siweyna ay shacab iyo haayadaha dawladba uga qeyb qaadan doonaan hirgalin Dekedaas qalalan sidoo kalena ay shaqo abuur ka heli doonaan shacabka Gobolka Sool.

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews