Warka Kasoo Baxey Madaxwayne Biixi Iyo Wixii Laga filayey Oo U Muuqada In Boqor Buurmadow Noqday Afhayeenka Xukuumada!Faallo. “M
January 14, 2020 - Written by Berbera Today
“Mar Haddii Madaxweyne Biixi Indhaha Ka Qarsadey Go,aankii Ergadda Ee La Filayay In Lagu Soo Afjaro Khilaafka Doorashooyinka Somaliland!
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kadib Markii. ay ku adkaatey Islamarkaana, jiq ku Noqotey Madaxweynaha iyo Xisbigiisa Kulmiye Murankii Arimaha Doorashooyinka ee ka dhashey Qaabkii, loo soo dhisey Komishanka Doorashooyinka iyo sidii ay isku Doorteen, Waxaa dhaqdhaqaaqyo Ergayn iyo odayeyn ah ku dhex galey Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo haldoorka Somaliland, taas oo isla qaatey qodobaddii iyo Go,aanadii Ergadu kasoo Saartey kulanadii Dhexdhexaadinta.