berberatoday.com
Cumar Seerbiya Oo Qoraal Kooban Ka Sameeyay Taariikhda Nololeed Iyo Mid Faneed Ee Marxuum Daa,uud Cali Masxaf
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

Sida uu sheegay Saxophonist-aha Maxamed Cabdi Alto oo ay Daa’uud Cali Masxaf muddo dheer saaxiib ahaayeen , Daa’uud wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar qiyaas ahaan bilawga lixdamaadkii ama dhammaadka kontomeeyadii , wuxuuna fanka bilaabay isaga oo da’yar sannadkii 1974 , wuxuuna ka mid noqday koox Yooko la odhan jiray , sannadkii 1980 ayuu Cumar Cabdille Shooli uu ka soo kexeeyey magaalada Jowhar isla markaana ku daray kooxdii Waaberi , isaga iyo Maxamed Aadan Shamuuri oo ay kooxda Yooko ka wada tirsanaayeen .

Daa’uud dadkii xirafaddiisa Kabanka u kordhiyey waxa ka mid ahaa Jiim Sheekh Muumin. Ilaa uu Daa’uud noqday dadka loogu jecelyahay ee Kabanka tuma , waxaana uu aad ula shaqayn jiray Xasan Aadan Samatar oo ka mid ahaa fannaaniinta ugu firfircoon fanka ee xilliyadaasi una shaqada badnaa .

meelaha u fankiisu aadka ugu soo shaacbaxay waxa ka mid ahaa magaalada Hargeysa oo uu mar ka tirsanaa Waaberi Hargeysa ,

Burburkii Soomaaliya ka dib wuxuu ku noolaa inta badan dalka Jabuuti oo ah meesha uu ku duubay heesaha Kabanka ah ee qaarkood Xasan Aadan qaaday ee dadku aadka uga dareemaan gacantiisii macaanayd e cuudka la heshiiska ahayd .

Daa’uud wuxuu noqday sidoo kale heesaa iyo Mullaxan aad loo jecelyahay . laxannadiisa u cajiibsan waxa ka mid ah laxanka heesta Daalo oo uu allifay sannadkii 1985 isla markaana ay Maandeeq la qaaday eryadii Axmed Ducaale Ciiray , sidoo kale laxanka heesta Beerqaad ee ay wada qaadeen Maxamed Axmed Dhabarlow iyo Sahra Axmed Jaamac ayaa ka mid ah laxanadiisa lama ilaawaanka ah .waxaana heestaas curiyey erayada Abwaan Singub

Khadra Daahir ayuu sidoo kale laxameeyey heeso dhawr ah oo ay qaado sida heesta “ Raggii maadigaa ka hadhay ee uu Kaariye Allifay .

Alle ha janneeyo Daa’uud

 

Cumar Seerbiya

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews