berberatoday.com
Somaliland Iyo Jarmalka Oo Maalgashi Kaga Wada Hadlay Nayroobi
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

“Somaliland waxay raadineysaa inay sii ballaadhiso xidhiidhka ay la leedahay Jarmalka, sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga shisheeye.” Sida waxa lagu sheegay kulan dhexmaray Safiirka Somaliland  ee Kenya iyo  Agaasimaha Baanka KFW ee Jarmalka.

Sida lagu baahiyey mareegta Busiweek.com shalay, Somaliland iyo Jarmalka waxay horeba u wada lahaayeen xidhiidh qotodheer gaar ahaan maamulka biyaha beeraha iyo horumarinta waddooyinka laakiin sida uu sheegay Safiirka Somaliland ee Kenya Baashe Cumar, waxaa jira meelo badan oo wali aan la sahamin.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya oo wadahadalo kula yeeshay Andreas Holtkotte, oo ah Agaasimaha KFW ee xafiiska Nairobi, ayey kaga wada hadleen meelaha kale ee Jarmalku ka caawin karo horumarka Somaliland.

KFW waa Bangi horumarineed oo ay dowladda Jarmalku leedahay, kaasoo dhaqaale siiya dawladaha, shirkadaha ganacsiga iyo Bangiyada ganacsiga ee ku hawlan microfinance iyo kor u qaadida SME ee wadamada soo koraya.

Taageerada maaliyadeed ee Bangiga Horumarinta ee KfW waxaa lagu saleeyay duruufaha ka jira dalka ay jaalka yihiin.

Qaabka deeq-lacageedka la xushay waxaa lagu go’aamin doonaa iyadoo lagu saleynayo baaxada deynta dalka, wax soo saarkooda dhaqaale iyo heerka horumarka, awoodda waxqabadka ee lammaanaha mashruuca iyo sidoo kale nooca mashruuca.

“Somaliland waxay qaddarinaysaa iskaashiga dheer ee ay la leedahay Jarmalka gaar ahaan dhinacyada Beeraha, Maareynta Biyaha iyo horumarinta Wadooyinka. Waxaan rejayneynaa inaan sii ballaadhinno xidhiidhkan si aan uga wada hadalno waaxaha kale ee horumarka, ”ayuu yidhi Amb Bashe kulanka kadib.

Xiisaha dibedda ee Somaliland ayaa sii kordhayay tan iyo markii la ballaadhiyey heshiiska DP World ee Dekadda Berbera oo la bilaabay sanadkii hore. DP World ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka dhisto aaga xorta ah ee ugu weyn Bariga Afrika.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews