berberatoday.com
Djibouti Oo Markii Ay Aragtay Dareenka Reer Somaliland Badashay Jihadii Uu Ku Socday Markabka Xadhiga Dare Sidda
January 26, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Djibouti ayaa ku dhawaaqday in xadhiga Internetka ee DARE 1 aanu mari doonin biyaha Somaliland ee Berbera, balse uu ka leexan doono. Sidaas waxa ku dhawaaqay wasiirka isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon.

Dawladda Djibouti ayaa hore u sheegtay in xadhigan oo soo gaadhay Djibouti uu mari doono biyaha Berbera, oo uu u dhaafi doono Muqdisho ilaa Kenya, laakiin cadho xoogan oo ka dhalatay ka dib markii ay Djbouti aragtay dareenka reer Somaliland, waxay u muuqataa inay bedeshay jihadi uu markabku ku socday.

Laanta afka Soomaaliga ee BBC, ayaa waraysi la yeelatay labada wasiir ee isgaadhsiinta ee Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon.

Ugu horayn isagoo xadhigan ka hadlaya wuxuu wasiirka Isgaadhsiinta Djibouti Ridwaan Cabdillaahi Bahdoon  yidhi “ Xadhigan Dare ayaa la yidhaahdaa  waa xadhig isgaadhsiinta ah, xadhigan waxa uu ku socdaa Boosaaso  ilaa Muqdisho ayuu tagi doonaa  oo Muqdishana waa uu dhaafi doonaa oo waxa uu tagi doonaa Mambasa, xadhigani waa uu dhinac marayaa uun oo badan ganacsiga ayuu marayaa  oo Berbera haba yaraatee ma tagaayo Somaliland.”

Wuxuu intaas ku daray “Waa khalad  si xun ayaa loo fahmay  xadhigu haba yaraatee kuma soo dhaadhacyo Berbera  Somaliland ma imanaayo, walaa Somaliland walaa Berbera midna ma imanaayo oo biyaha caalamiga ah ayuu dhexsocdaa  ee xadhkaha aduunku ay dhex marayaan.”

Waxa la weydiiyay sababta ay Djibouti Hargeysa ugu dirtay wasiirka arrimaha gudaha, waxaanu yidhi “Wasiirka arimaha guduhu arin kale ayuu u tagayaa Somaliland  ee xadhiga arinkiisa uma socdo, aniga iyo wasiirkan warfaafinta ayaa is og oo waa kii ka sheegay  tilifishanka Somaliland  ee yidhi xadhigan nama khuseeyo anaga  oo badda caalamiga ah ayuu marayaa, waxaan u malaynayaa si xun ayaa loo fahmay waxaan doonayaa inaan fahmadaas ka qaado Somaliland oo la ogaado in xadhigaasi uu saani u baxaayo oo uu Boosaaso tagaayo oo uu Muqdisho ka dhaadhacaayo.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews