Dawlada Jabuuti Oo Qorshaynaysa Inay 2 Sanno Ku Samaysato Dayax-Gacmeed
February 11, 2020 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dalka Jabuuti ayaa qorshaynaya inay Dayax-gacmeed u gaar ah laba sano gudahood ku sameeyaan, sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI) horaantii February.
Kulan lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Jabuuti ayuu Madaxweynaha dowladda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele, la qaatay Borofeesor Laurent Dusseau, oo ah maamulaha Xarunta Space ee Jaamacadda Montpellier iyo agaasimaha hay’adda Van Allen Foundation, oo qaabilsan istiraatiijiyaddeeda iyo cilmi-baarista Faransiiska, sida lagu sheegay ADI.