berberatoday.com
Tirada Dadka Udhintay Coronavirus Oo Gaadhay 1000 Qof
February 11, 2020 - Written by Berbera Today

China(Berberatoday.com)-Dadka uu dilay cudurka Coronavirus ee ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa gaadhay 1016 qof taasi oo ka badan tiradii dadkii uu dhilay cudurka SARS ee sanadihii 2002 ilaa 2003-dii ee ka dilaacay shiinaha iyo Caalamka.

Saraakiisha Shiinuhu waxay sheegeen in maalintii isniintii ee shalay oo kaliya uu cudurku dilay dad ka badan 103 qof taasi oo ah tiradii ugu badnayd ee maalin qura cudurka u geeriyoota, waxay kaloo sheegeen in hoos uu u dhacay tirada dadka uu ku dhacayo cudurka 20%.

 Saraakiisha Gobolka Hubai waxay xaqiijiyeen in 2,097 oo kiisas cusub oo cudurka ah la helay maalintii isniintii halka maalintii ka horraysay dadka uu ku dhacay cudurka ay ahayeen 2,618 qof.

Dhinaca kale, Dowladda Shiinuhu waxay shaqada ka joojisay xoghayihii guddiga caafimaadka ee gobolka Hubai iyo ku-xigeenka madaxda hay’ada bisha cas ee gobolkaas, kuwasoo loo haysto sida ay u maareeyeen deeqihii loogu talagalay dadka dhibaatadu ka soo gaartay Coronavirus.

Malaayiin qof oo dadka shiinaha ayaa dib ugu laabtay shaqooyinkoodii ka dib markii dowladu codsatay in dib loogu laabto shaqooyinka . fasaxa dheer ee la siiyay dadka ayaa looga dan lahaa in lagu hakiyo Faruska ka dilaacay dalkaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews