“Madaxweyne Kalsoonida Umadda Ha Lumin” Xildhiban Maxamed Faarax Qabiile”
February 12, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guuritda Saleebaan Maxamuud Aadan, ee uu fariinta ugu diray Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu xusay in aanu isagu ahayn Afhayeenkii Qaranka, awood uu ku amrana aanu lahayn.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilalaiyo karamada iyo sharafta Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xisbiyada Mucaaradku hore ayey mawqifkooda ugu hadleen, una soo bandhigeen in aanay rabin in Komishankani aanu doorasho u qaban karin, waxaa se wax aad loola yaabo ah qaabka uu u hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, laakiin Guddoomiyaha Guurtida waxaan leeyahay ma tihid Afhayeenkii Qaranka, Xisbiyada Mucaaradkuna kuma ah Arday aad macalin u tahay oo fasal kugu jira, amarkaaagana qaadanaya, ee adigu waxaad Guddoomiye u tahay oo aad magacooda ku hadki kartaa Golaha aad Guddoomiyaha ka tahay ee Guurtida, ee anigoo Qabile ah iyo adigoo ah Guddoomiyihii Guurtida fikirkeena ayeynu ku hadli karnaa, tallooyina weynu soo jeedin karnaa, laakiin amarka iyo go’aan ma siin karno Xisbiyada Qaranka, laakiin Guddoomiye qaabka aad u hadashay maaha qaab loo baahan yahay, Xisbiyada Mucaaradkana qasab doorashooyin looguma qaban karo, oo hadda Komishankan kuma leh xubno, madaama xubintiI UCID-na is casilay, xubintii Waddani-na horeba waa tii looga saaray iyadoo aan la ansixin, ee Guddoomiyaha Guurtidu inuu dhex u noqdo XIsbiyada iyo Xukuumadda ayaa haboon”.