berberatoday.com
“Anoo Arkaya Ayay Aabahay Igu Hor Toogteen”Waxa Qoray Khadar Jaamac Xaashi
February 14, 2020 - Written by Berbera Today

“Anoo Arkaya Ayay Aabahay Igu Hor Toogteen”Waxa Qoray khadar Jaamac Xaashi

Waxay Ahayd Dabayaqadii Sanadkii 1988kii Deegaanka waa Tuulada Bixin Duule Ee ka Tirsan wakhtigan Gobolka Saxil, Bisha lagu Jiraana waa Ramadaan Goortu waa Fiid La Sugayo Afaradii, Aabo iyo Asxaabtiisu way Ducaysanayaan Xiligaaa.

Goobtu Waaa Kaamka Raashinka Ee Xerada Qaxoontiga Ee Bixin Duule Oo Wakhtigaa Aaabo Maamule ka Ahaa.

waa Xiliyadii anigu khadar ahaan aaan garaadsaday, Laakin Sheekadan aaan Shaahidka ka ahaa waxaa Mar walba iiga Sheeekaysa Hooyaday Macaaan Oo iyadu Ii biixisay Booskii Aabo iyo Hooyo.

Waxaanu ka sooo Guurnay Magaalada Burco wax yar ka hor Geerida Aabahay, Markii Aabo Kaamka Bixin Duule Looo Bedelay.

Amintan Uu Xasuuqu dhacayo Qoyska Reer Jaamac Xaashi aniga iyo Aaabo Iyo Edaday Amina Xaashi ayuunba Goobta joogna, Laakin Hooyo Iyo Caruurta intii kale waxay Deganyihin Guri waxaaga noo jira, Aabo waxaa Goobta ku wehelinyay Afar Nin Oo midi Walalkay yahay, iyo Edo Amina Xaashi oo iyadu Afurka aaan la soo qaaday.

Bil Amaara Markii Eedankii Maqrib Dhacay Ee Afurkii Laysu Diyaariyay Waxaa Mar qudha is Bedelay Jawigii Xerada.

Waxaa Kadinka Nooga Sooo Galay lix nin oo ahaa Askartii Xerada Ilaaladaeeda ku Qornaa oo qaylinaya ( WAAR IIDOORKA LAAAYA AYAY KU TIRABAYAAN).

Ragaas Waxaay intooda Nadan Ahaayeen sida hooyo Ii xaqiijisay Qabiilka Ogaadeen.

Waxaaan xasuustay Ragani inay ahaayeen kuwii Maanta Markan Bacda Qadadadii Malcaamada ku sii Socday, La lahaa Taliyihii Xerada Iyo Ciidan kale ayaa qabanayaa Degmada Shiekh.

Jawigii isbedel, Mar qudha ayaa qaxoontoigii Oo dhami isku weer isu sooo taageen Gaabyankkii Xerada ku Xeernaa.

Askartii Waxay ku yidhaahdeen Aabo Jamac Xaashow istaag, iyaga oo yaaban ayay Dhinaca Jihada u Jeesteen.

Aabo iyo Asxaabtiisii Afur ma calfan, Aabahay Waxaa Hadalkiisii ugu Danbeeyay Uu Waar Maxaa dhacay ayuu Aabo ku yidhi Nin Maxamud Cawar la orhan jiray oo ilaalidiisa ahaa, Dabadeed Edo Amina ayaa ku tidhi Jaamacow Walal Ashahaado Waanu Ashahaatay Aabo.

anigana Qudhayda inta Kaladhka lay soo qabtay ayaa Safkii laygu daray.

Qoryahii la cabaysay Waxaana lagu amray inay sii jeestaan.

Yaab Halkaa Markuu arin marayo waxaa iyana kadinka laga soo galiyay laba nin Oo kale oo la odhan jiray Kayse Macalesh iyo Inan uu dhacay, Waxayagiiba Safkii Geerirada ayaa nala Tusay.

Ajal waliba wakhtigeeda dhaafi Maysee, Intaan Rasaastii nalagu Furin waxaa sooo Booday oday Washman Oo Muumin la odhan jiray waxaana uuu soo jiiday Aniga iyo Kayse Macalash iyo inankiisii wuxuuna ku tiraabay (WAAR RAGU MAXAY INAGU SAMEYEEN). Oo hadaad Raga laynasaan Maxaa Maatida idin Geeyay.

Markaanu Ragii wax dilayay la gudboonahay waxay fureen Rasaastii, waxaana Goobtaas ku wada Geeriyooday Dhamaan Saa’iimiintii Bishaa Ramadaan Soomanaa.

Markaa anakana waxaa nalagu xeereeyay qolkii Xafiiska Xerada u ahaa, waxaana Goobtaas ku shahiiday Aabahay Jamaac Xaashi walalkay Axmed Khayre iyo Saddax Nin oo kale,

Oohinta iyo Muragada iyo Caloolyowgaas nala Baday Waxaa Ka Sii Daran in Gurigii ay Hooyo iyo Caruurtayada kale joogeen Qaxoontigii ayaa Albaabadii ku Jabiyay si ay iyana u Raaciyaana Aabo iyo Axsaabtiisa Shahiiday, Laaakin Ciidan u dhawaa ayaa Dirqi kagaga Badbaadiyay inkasta oo iyagu ay Rabeeen in Raga la Raaciyo.

Dadkii Waaweynaa Habeenkaasi Waxaa u dumay Gabal Baas Ooyin iyo Murago aaan Garow lahayn ayaa Waaagu ugu Baryay.

ILAHAY DHAMAANTOODBA QABRIGA HOW NUURO.

Arinta Muragada lahi waxay ahayd markii subaxii waaagii baryay waxaaan aragnay arin naxdin leh waaba Ragii Maydka ahaa oo aad moodo in iskarogo dhagax ah lagu dul rogay show ilaa xalay dadkii Qaxontiga ahaa ahaa ayaa waxay la dhacayay dhagax, waxaana Maydadka dharkoodii oo dhan qariyay ching.

Xasuuuqaa Xaqdarada ahaa waxaa nagagaga siii Darnayd Markii Maatadii Ragooda Sabab laanta lagu Laayay Subaxii Qaxoontoigii isku weer naga qabteeen si anakana Nooo Raaciyaaan Abahayo, Waxaana nalooo dalbaday Ciidan Markaa joogay Dooxa Mijacaseeye kuwaas oo ilaa Berbera Gaadh naga hayay.

Waxaana anaka Oo Faramadhan Nalagu soo Daadiyay Magaalada Berbera, waxaana noo Gurmaday Qarabadii markaa Magalaada Joogay, Waxaana nala Dajiyay Guryaha Reer Tacabir Ee Shidhka, anaka oo halkaa uga Qaxnay Dulcad.

Hadaba, Arinka iswaydiinta lehi waxa weeye, Aabahay iyo Nimanka lleeyay waxay ahaayeen asxaaab wada Shaqeeya, iska war haya waxay ogaayeen inaanay Aabahay iyo Walalkay iyo inta la raaciyayba Wax danbiya aanay Galin.

Hadaa Maxay ahayd Hadaba Sababta Ragaas Sooman loo laayay??.

Gabagabadii Waxaa qoraalkan Igu kalifay Caawa oo isooo xasuusiyay Xasaaqa Loo Gaystay Qoyskayaga Hadalka Meel kagagaga kaca ah Ee Maanta ka sooo Yeedhay Farmaajo.

waxaan leeyahay Hadaad Doonayso in Xasuuqaa iyo Gabood falo kale oo ka sii daran Oo loo gaystay Shacab aaan waxba galabsan Horta Kuwii Xasuuqa Gaystay Maxkamad nooo sooo taag Markaa ka Dib Cudur daar la laayay Hadii kale Walaahi waligay ma ilaabayno Xasuuqaa.

wa Bilaaahi Tawfiiq.

Qore Khader Jama Xashi.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews