berberatoday.com
Shirkada Imaaraatiga Ah Ee Five Z Livestock LLC Oo Fashilantay Oo Dib Usoo Celisay Xoolo Ay Ka Rartay Dekeda Berbera 11/1/ 2020.W/Q Abdirahman Fidhinle
March 5, 2020 - Written by Berbera Today
Waxaa mareegaha Somaalida ka akhrisateen in dhawaan Xoolo gaadhaaya 3016  oo neef Dekeda Berbera dib lagu soo celiyey kadib markay ku bakhtiyeen Doonidii xoolo gaadhay 1684 oo neef. Arintani waxay god madow ku riday  bar bilowgii sumcadii Xoolaha Somaliland oo mudo xidhnaa lana rajeynaayey in dawlada  imaaraatigu suuqyo u raadiso.  Waxaan Shacabka Somaliland u soo ban dhigayaa sifaha xoolahaa dib loogu soo celiyey iyo sida ay wax u dhaceen:
1-  Waxaa shirkad la magac baxday Five Z Livestock LLC dhamaadkii sandkii hore ee  2019 laga diiwaan geliyey Caasimada Hargeisa ee Somaliland taas oo heshiisyo  qarsoodi ah la saxeexatay dhowr shirkadood  oo ay ka mid tahay shirkada  heshiiska ka noqotay ee Daiba Establishment For General Trading iyo shirkado yar yar oo kale oo dhawaan dhalad ah oo ujeedooyinkoodu yihiin in ay qiime aad u hooseeya ay ku kala iibsadaan  xoolaha Somaliland ee Suuq la’aantu haleeshay.
  Waxaa shirkadahani ku heshiiyeen:
1- in Xoolaha lagu xareeyo Maxjarkii Al Jaabiri ee Berbera ee Sacuudigu lahaa oo hada imaaraatigu ula baxeen maxjarka Sacuudiga iyo imaaraatiga.
( The quarantine station of the Saudi Emirati Company in Berbera)
2- Waxaa lagu heshiiyey in Xooluhu ku jiraan Maxjarkaa mudo ugu yaraan bil ah laakiin arintaasi may fulin.
3-  Shirkada Five Z Livestock LLC waxaa masuuliyiinteeda imaaraatka ka mid ah Suldan Al-Ahbabi kaa soo ka hoos shaqeeya ninka masuulka ka ah Xidhiidhka dawlada  imaaratiga iyo Somaliland ee lagu magacaabo Mr Mohamed Rashid oo loo yaqaan (Abu Rashid ) isaga laftiisu waa gacan yaraha Sheikh Mansoor Bin Zayed oo ah ku xigeenka Raiisal wasaaraha dawlada imaaraatiga (UAE)
5- Waxaa shirkadaasi Xafiiska ay Somaliland ka furatay  masuul uga ah Suldaan Abdullah Saeed Alrisheedi.
6- Waxay ku heshiiyeen shirkaduhu in kharashka isticmaalka maxjarka oo ahaan jiray $4 neefkiiba in la laban laabo oo laga dhigo $9
7- Waxay ku heshiiyeen in Suuqa xoolaha ee Somaliland oo ahaa suuq xor ah in ay isbaaro udhigtaan oo iyaga loo xidho
8- Waxay ku heshiiyeen in ay neefka Somaliland ay ku iibsadaan ugu badnaan $60 halka suuqa xoolaha ee Puntland uu yahay suuq xor ah oo neefka qiimahiisu gaadho $90 taas oo  bilihii ugu danbeeyey 10 Doonyood oo xoolo ah laga soo raray Maxjarka Boosaaso oo imaaraatka loo iibgeeyey. Maxrajka Boosaaso qiimaha isticmaalkiisu waa $5 halka Somaliland uu ka yahay $9.
9- Waxay Shirkada Five Z Livestock LLC ay geed dheer iyo geed gaaban ufuushay sidii ay u kala xadi lahaayeen Ganacsatada xoolaha ee reer Somaliland iyaga mudo bilood ah kolba koox  huteel hoosta uga soo xidhanaayey oo la shiraayey si  ay xoolo jaban oo iyaga u xidhan  u helaan, heshiisyadan badankoodu waxay ka dhaceen Hotel ka Ambassador ee Caasimada Hargeisa.
Hadaba sidee  wax u dhaceen markii heshiisyadaasi dhamaadeen : Waxay Dekeda Berbera bishii 11/01/ 2020 ay ka soo rareen xoolo adhi ah oo gaadhaaya 4700 oo neef oo ay ugu talo galeen in ay ku mashqiciyaan suuqa xoolaha ee imaaraatiga si ay xoolaha Somaliland ka yimaada ay qaali u noqdaan oo suuqa uga baxaan kadibna ay u qaataan Xoolaha Puntland ee Boosaaso laga soo raro. Shirkada Five Z Livestock LLC oo ah shirkad yar oo dhawaan dhalad ah oo aan aqoon buuran u laheyn xanaanada iyo dhoofinta xoolaha ayaa iyada oo isticmaaleysa awooda dawlada imaaraatiga  waxay amar dawaladeed si deg deg ah ugu rareen xoolo dhan 4700 oo neef taa soo  ay Dooni kaga rareen  Dekeda Berbera,  Doonidaa oo aad u koobneyd oo aan loogu talo gelin in xoolaha lagu dhoofiyo ayaa dhowr maalmood ka dib xoolihii gaadhsiisay Dekeda Al-Hamriya Port ee imaaraatiga, waxay Xoolahaasi ay Dekedaa ku xanibnaayeen mudo aad u dheer oo gaadheysay 36 saacadood oo aanay helin biyo iyo baad midna, taasina waxay keentay in isla goobtaa Dekeda ay ku dhintaa xoolo gaadhaaya 800 oo neef.
Markii ay arkeen in Xooluhu darab-darab u dhimanayaan ayey Doontii ka dejiyeen waxaana ay geeyeen Beer aad u kulul oo aan calafkii xoolaha iyo Caafimaadkii xoolaha laheyn   halkaas oo ay u soo bandhigeen  koox ka mid ah ganacsatada xoolaha iibsata ee imaaraatiga laakiin ay ka iibsan waayeen xoolihii oo darxumo badani ka muuqato. markii ay ku guul dareysteen  in ay xoolahaa  imraatiga lagaga iibsado ayey hadana isku dayeen inay Cumaan u talaabiyaan oo u iib geeyaan laakiin dawlada Cumaan ayaa ka diidey Xoolahaa oo warqadoodii caafimaad ay dhacday, sidaas ayaana deg deg loogu soo celiyey Dekeda Berber oo ay markii horeba ka dhoofeen waxaana dhexda ku soo dhintay xoolo gaadhaaya ilaa 900 oo neef taas oo tirada ka dhimatay xoolaha ka dhigaysa 1684, tirada dib Somaliland loogu soo celiyeyena waxay noqotay 3016 oo neef.
Arintan xoolaha  fashilmay ee Somaliland dib loogu soo celiyey ee ay ka danbeeyeen madaxada Shirkada Five Z Livestock LLC ayaa lala xidhiidhinayaa in ay lug ku lahaayeen Fashilaadii hore uga dhacday mashaariicdii  Biyo gelinta  Xunbo Weyne   ee lagu lunsaday lacagaha badan ee malaayiinka doolar ahaa ee aan weli cid loo xidhxidhin cidna aan loo maxkamadeyn. Waxaa iyana dhismahoodu joogsaday oo arintan lagu xidhiidhinayaa  Sadexda dhakhtar ee imaaraatigu balan qaadeen in Somaliland u dhisaan  oo hada dhismahoodu joogsaday. Waxaa iyana lagu xidhiidhinayaa arintan heshiisyo badan oo afka baarkiisa noqday iyo balan qaadyo been  wada noqday ku waas oo ahaa mashaariicdii horumarinta arimaha bulshada ee Somaliland iyo imaaraatigu ku heshiiyeen oo aan waxba laga fulin taasina waxay keentay in Xidhiidhka Somaliland iyo dawlada imaaraatigu uu aad iyo aad hoos ugu sii dhaco bilihii ugu danbeeyey. waxaana kuu markhaati ah Saldhiga ay Berbera ka dhisteen ee ay ka guureen.
Talo soo jeedin : Waxaa Xukuumada Soomaliland looga fadhiyaa (A) in Xafiiska imaaraatka ay u Wakiilato  shaqsiyaad aqoon iyo karti leh oo yaqaana gala-galeysiga iyo dhaqanka carabta. (B)  Waa in Xukuumadu baadhis mug leh ku sameysaa Shirkada Five Z Livestock LLC  ee godka madow ku sii riday bar bilowgii sumcadii dhoofka Xoolaha Soomaliland. (C)  Waa in Xukuumadu shacabka JSL u cadeysaa   cida mulkiyadeeda iska leh  Maxjarka Al- Jibaari  oo hada loo bixiyey Maxjarka Sacuudiga iyo imaaraatiga lana dhimaa lacagta lagu isticmaalo Maxjarka oo hore u ahaan jiray $4 hadana laga dhigay $9.

Fadlan hoos ka akhriso cadeymaha warbixintan. https://www.moccae.gov.ae/en/our-services/list-of-approved-disapproved-countries-for-import.aspx#page=1

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews