berberatoday.com
Maxamed Bashe Xaaji Xasan waxaan leeyahay JACAYL AAN LAGULA WADINI WAKHTI GAAGA YUU LUMIN. WQ: Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)
March 10, 2020 - Written by Berbera Today

WQ: Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Maxamed Bashe X. Xasan waxaan leeyahay JACAYL AAN LAGULA WADINI WAKHTI GAAGA YUU LUMIN.
Ogow reer koonfureedka midnino doonkoodu ma dhaafsiisna sheekooyinka fadhi ku dirirka Muqdisho . Somalilandna waxay u yaqaanaan dad yar oo cabanaya. Marka8ad dhextagto adiga oo qiiraysan oo mawjado reer Somaliland ah ka soo dhex baxay oo eed iyo godob ku soo dhego barjoobay ayaad dhex tegi doontaa.

Maalmaha hore way ku soo dhawayn, fagaarayaal laga khudbadeeyo oo aad kaga hadasho sida aad mawqifkaagii u bedeshayna way ku siin. Marka aad istidhaahdo ka wada hadla arinaha masiiriga ah ayey hadalkaaga isdhaafin doonaan, waxaad isku hawli doontaa bal in ay ugu yaraan ku dhegaystaan.
Marka aad ku xiiqdo ayey ku odhan doonaan “walaaleheena cabanaya ee reer waqooyi waa dad wanaagsan waa dadkii midnimada horseedka u ahaa” waxba intaa kuma darayaan ee hawlahoodii ayey is ka sii wadanayaan.

Adigu waxaad tahay nin sharaarad leh oo aan la liidi karin oo aan quudhsi aqbalin markaa waad cadhoon oo kululaan oo dhinbiilo kaa duuli.
Doodii midninimo raadiska ayaad sii wadi adiga oo maanka ku haya xaalka ka jira Somaliland iyo dadkii aad ka timi halka ay taagan yihiin oo aad xog ogaal u tahay.

Doodo kulul ayaad hadana bilaabi. Aqoon yahay koodii ayaad la hadli waxaad ka warami dhibaatooyinkii Somaliland ka soo gaadhay midninadii, waxay ku odhan Somali oo dhanba dhibaataa wada gaadhay ee ALOORE MAXAA JIRA.
Waxaad isku dayi in aad u sharaxdo in aynu ahayn lada dal oo lixdankii wax isku darsaday. Waxay ku odhan “laba gobol (Burco iyo Hargiesa) ayaad tihiin intii Somalidu dawlad ahayd ba laba wasiir ayaa laydin siin jiray waa laydiin sed buriyey”
Sidaa waxaa kugula doodi doona rag aad u taqaanay aqoon yahan.
Waad yaabi oo amakaagi.
Waxaa mararka qaar xaflado laysugu kiin keeni doonaa dad aad u tirinaysay denbiyo dagaal, wejiga ayaad ka dadbi doontaa. Si aan laguu maamuusin ayaa loo maamuusi doonaa dabadeed waxaad odhan WEGER!!
Aakhirka sidii Bullaale Baarjeex ayaad odhan” GOBI INAGA.
Dabadeed waxaad iskaga iman adiga oo qaadaya;
Dhibaato anaa isu gaystay
Anaa dhaawacaa is yeelay
Anaa dhalanteed run mooday.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews