berberatoday.com
Dalka Hindiya Meelo Kamida Oo Kaadida Lo’da Loo Isticmaalayo Ka Hor Tagga Xanuunka Coronavirus!
March 16, 2020 - Written by Berbera Today

Hindiya(Berberatoday.com)-dadka hindiya ayaa waxay labadii maalmood ee udanbeeyay aad uga cabsi qabeen xanuunka coronaverus oo aduunka si xawli ah ugu baahaya

Qaarkamid ah culimada hindiya ayaa shaaciyay daraasad ay ku ogaadeen in ay dawo ka tahay kaadida lo,du taasi oo shacabka ku dhaqan hindiya ay cabintaankeeda aad u isticmaalayen

Caasimadda Hindiya ee New Delhi, waxaa Sabtidii lagu qabtay munaasabad lagu cabbayo kaadida lo’da si looga hortaggo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, waxaana xafladda soo agaasimay urur u doodo xuquuqda dadka Hinduuga ee dalkaas.

Waxaana dadkii ku sugnaa goobtan loo qeybiyay koobab ay ka buuxaan kaadida lo’da si ay isaga ilaalinayaan cudurka Corona.

Dadka Hinduuga waxay rumeysan yihiin in lo’da ay tahay muqaddas, qaar kamid ah waxay rumeysan yihiin in cabidda kaadida lo’da lagu daweyn karo cudurro.

Mid ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in qof kasta oo cabba kaadida lo’da uu ka badbaadayo cudurrada xilli uu dadka u qeybinayay kaadida.

Dhakhaatiirta iyo dowladaha waxay sheegeen in wax daawo ah ama tallaal ah aan loo helin ka hortagga cudurka Corona kaas oo ay u dhinteen in ka badan 5,400 qof halka uu soo riday 150,000 qof guud ahaan caalamka.

 

“Waxaan halkan isugu nimid duco ah in aan caalamka uu helno nabad, waxaan koob kaadida ah lo’da guddoonsiineynaa cudurka Coronavirus si aan u dejino oo aan uga nabadgalno” ayuu yidhi hoggaamiyaha ururka soo qabanqaabiyay xafladda, Shikarbani Maharaja.

Shikarbani Maharaja wuxuu ugu baaqay dadka inay cabbaan kaadida lo’da si ay uga hortaggaan cudurka .

“Coronavirus waa nooc ka mid ah bakteeriyada, kaadida lo’da ayaa ah daawada kaliya ah ee weerari karta bakteeriya kasta oo dhibaato nagu hayo” waxaa sidaas yidhi Om Prakash oo ka yimid dhinaca gobolka Uttar Pradesh, kana mid ahaa kasoo qeybgalayaasha.

Qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan xisbiga qaran ee Hinduuga ayaa ku anddacooday in kaadida lo’da loo adeegsan karo dawo ahaan iyadoona daweyn karto Kansarka.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii xildhibaan ka tirsan xisbiga haya talada ayaa soo jeediyay in isticmaalka kaadida iyo saalada lo’da lagu daweyn karo cudurka Coronavirus.

Dalka Hindiya, labo qof ayaa u dhimatay cudurka Corona halka in ka badan 80 qof uu ku dhacay cudurku, dowladda waxay amar ku bixisay in la xidho dhammaan waddooyinka gala dalkaas iyo dal ku galka dadka ajaanibta ah ee kasoo jeedo dalalka uu ka dilaacay caabuqa

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews