berberatoday.com
Masar Iyo Itoobiya Oo Qarka Usaaran Inay Dagaalamaan.W/Q Cabdi Yasin Yool
March 16, 2020 - Written by Berbera Today

Imikaan Rabaa Inaan Hadlo ???.Masar iyo Itoobiya Oo Qarka Usaaran Inay Dagaalamaan.

Waxaa cirka isku shareeray Dagaalka af-ka ee udhaxeeya dalalka Masar iyo Itoobiya .kadib markii Itoobiya .kabaxday wadahaladii Sadex goosadka ee udhaxeeyey Wadamada Masar .Sudan Iyo Itoobiya uuna dhexdhexaadinayey Maraykanku .

Masar ayaa Todobaadkii udanbeeyey ku mashquulsanayd Caabuq sida CoronaVirus oo dalkeeda ka dilaacay Iyo Dufaano iyo Robab xoogle oo kada’ay .

Itoobiya ayaa iyadu ku mashquulsan Buuxinta Biyo xidheenka Al-nahda oo Itoobiya rabto inay ka dhaliso laydh Tiriiga ugu weyn Africa ee laga dhaliyo Tamarta Korontada Saxaafada Adiss Ababa . waxay maalmahan qoraysay in Biyaha iyagu leeyihiin dhulkuna dhulkoodii yahay . cidina xaq ulahayn inay ka celiso waxay Itoobiya xaq .uleedahay.

Masar oo bishii hore gaadhay 100-million oo qof . Madaxweynaha Masar .Cabdifataax Al-sisi .wuxuu dhawaan lakulmay saraakiisha cuidamada qalabka sida taliyayaasha Ciidamada Bada .Cirka Iyo dhulka isagoo ku amray in ladiyaariyo qorshihii lagu burburin lahaa Biyo xidheenka Itoobiya hadii dariiqyada wadahadalku shaqayn waayaan 3-bilood ee fooda inagu soo haya.

Dalka Masar Hadii uu rabo inuu Itoobiyo weeraro wuxuu ubaahan yahay Wadan itoobiya lajaar ah oo ay kakacaan Diyaaradaha Dagaalka Masar .taasina suurtagal maaha .inay Helaan Wadan Itoobiya Daris la ah . waxaan shaki ku jirin in Dalka Isreal oo isagu lahaa hindisaha biyo-xidhaanka itoobiya. si ay Masar usaarto Cadaadis ay goobta biyo Biyo xidheenku ku yaalo ku rakibi doonaan gantaalaha difaaca Cirka kuwaas oo dhibaato ku noqon doona diyaaradaha dagaalka Masar.

Dawlada Masar iyadoo taas niyada ku haysa waxay sandkii hore koonfurta Masar . gaar ahaan Xadka iyada Iyo Sudan ka samaysay Saldhiga Prince oo Awood uleh inay kakacaan Diyaaradaha dagaalka ee Masar iyagoo sii dulmaraya Dalka Sudan. dawlada Masaaridu waxay bilowday Taxarukaat taageero kaga doonayso dalalka Carabta .

Sida uu Sheega boga Global Fire Power .oo kafaalooda Arrimaha difaaca Masar .waa wadanka 10-aad ee Caalamka ugu Awood badan iyadoo kaalinta 1-aad ka .ah dalka Africa ugu Awood badan Tirada dadka Masar waa 100-million 36-million oo reer Masar ah ayaa udiyaar ah inay ciidamada galaan hadii dalku xaalad Dagaal gallo Masar waxay leedahay 440 ciidamada udiyaarka ah ee xeryaha ku Jira.waxay kaloo Masar leedahay 480 ciidamada kaydka ah

Miisaaniyada difaaca Masar waa 11.2-billion waxay kaloo haysataa lacag kayda oo gaadhaysa 45-billion waa dalka Africa ugu wanaagsan ciidamada bada Iyo kuwa cirka .

Itoobiya waa dalka 60-aad ee caalamka ugu Awooda badan . tirada dadka reer Itoobiya waa 108-million waxaa udiyaar ah inay galaan ciidamada 25-million oo qof ciimada xeryaha ugu jira Itoobiya waxay leedahay 162-kun oo Askari .manalaha ciidan kayd ah Miisaniyada difaaca sanadkii waxay ku bixisaa 350-million .

Lacagta adag ee utaalla waa 3-billion oo dollar ciidamada cirka ee Itoobiya waxay leeyihiin 86-diyaaradood halka dhigooda Masar leeyihiin 1054-diyaayaradood Itoobiya malaha wax.
ciidan bada ah.

Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed sida ka muuqata marabo inay dhamaato Xiisada udhaxaysa dalkiisa Iyo Masar isagoo u arka Markasta oo xiisada Masar iyo Itoobiya .sare ukacdo ay yarayso Caadiska ka haysta dalkiisa oo tartan ku-dhexmarayo Qowmiyadaha kunool Itoobiya .tani waxay mdaynaysaa Safafka dadka reer Itoobiya. ee kala Qaybsan iyagoo Abiye u arki doona Geesi qaran oo difaacaya danaha Qaranka itoobiya.

Qalinkii:- Cabdi Yaasiin Yool.

Image may contain: outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoor
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews