berberatoday.com
Iiraan Oo Diiday Kaalmo Uu Mareykanka Ugu Yaboohay
March 23, 2020 - Written by Berbera Today

Tehran(Berberatoday.com)-Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaa diiday dalab ay Mareykanka u soo bandhigeen oo ahaa in Iran la siiyo kaalmo dhaqaale si gacan looga siiyo dagaalka ka dhanka ah caabuqa coronavirus.

Khudbad uu telefishinka dalkaasi ka jeediyay, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in Mareykanku yahay “cadowga ugu xun ee Iiraan”.

Waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in laga yaabo in Mareykanka ay wadaan shirqoolo taasi oo ay horey uga shanqariyeen saraakiisha Shiinaha oo sheegay in Maeykanka ay masuul ka yihiin cudurkan coronavirus .

“Ma ogin in ay jirto eedeeyntan, balse ma jirto qofka maskaxdiisa ay caadi tahay oo aaminaya in ay daawo noo keenaan?” ayuu yidhi

“Waxaa suuragal ah in daawadiina ay tahay qaab lagu fidinayo caabuqa coronavirus” ayuu intaa ku daray.

Saraakiisha kale ee reer Iiraan ayaa waxay dhankooda ku eedeeyeen Mareykanka in uu wado munaafuqnnimo marka uu kaalmo u ballanqaadayo Iiraan, iyada oo uu diidayo in uu cunaqabataynta ka qaado Iiraan.

Dalka Iiraan ayaa ka mid ah dalalka uu faraha ba’an ku hayo cudurka tan iyo intii uu cudurka caalamka ka dilaacay.

Iiraan waa dalka tirada ugu badan uu soo ritay cudurkan guud ahaan dalalka bariga dhexe.

In ka badan 21,600 ayuu cudurkan soo ritay guud ahaan dalkaasi Iiraan.

Tirada cudurka coronavirus ugu dhimatay dalka Iiraan ayaa imika gaartay 1,685.

Balse waxaa laga walaacsan yahay in tirada cudurka u dhimatay iyo inta uu soo ritay ay intaasi ka badan tahay.

Waxaa dowldda Iiraan saaran cunaqabatayn taasi oo xaaladda si murjisay islamarkana daawooyiinka muhimka ma gaari karaan dalkasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews