Xukumada Somaliland Oo Sheegtay Inay Sii Deyneyso Maxaabiista Aan Danbiyada Culus Uxidhnayn Si Looga Hortago Faafintaanka Xanuunka Caronavirus
March 23, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay waddo qorshe Maxaabiista ku xidhan jeelasha Dalka lagaga bedbaadinayo Cudurka Coronavirus, haddiiba uu dalka ka dillaaco.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali ayaa sheegay inay illaa hadda qaadeen Tallaabooyin la doonayo in Maxaabiista lagaga ilaaliyo Cudurka Coronavirus ee Dunida sida deg-degga ah ugu faafaya.