berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cafis Ufidiyay Boqolaal Kamida Maxaabiista Xabsiyada Somaliland Kujira
April 1, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland ayaa cafis ufidiyay maxaabiista aan danbiyada culus ku xukunayn ee kijira xabsiyada dalka iyada oo lagu sababeeyay xanuunka covid19 ee aduunka kaga qeylisiiyay oo aan la ogolayn in dad tiara badani goob kaliya isugu yimaadaan.

Maxaabiista la cafiyay ayaa tiradoodu dhantahay 574 Maxbuus sida ku Xusan wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland Halkan Hoose ka akri Wareegtada.

 

WAREEGTO MADAXWEYNE: 01 /04/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-495/042020, Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;

Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/138/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/72/2020, kuna taariikhaysan 31/03/2020;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada aan aadka u cuslayn ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 574 (Shan Boqol iyo Afar iyo Toddobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaysa dembiyadda ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista iyo shuruudaha Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews