berberatoday.com
Faallo ! Mashaariicdii dawlada imaraatigu ka wadeen Somaaliland iyo Wadadii rajada ee Berbera Corridor Xagay ku danbeeyeen? . qalinkii A/rahman fidhinle UK.
May 10, 2020 - Written by Berbera Today
Muhiimada ugu weyn ee dawlada imaraatigu ay ka laheyd kuna  maalgelinaysay Dekeda Berbera lacagta gaadhaysa $442 dollar  waxay aheyd:
1- In ay helaan Fadhiisin ciidan oo ay ka ilaa shadaan Maraakiibtooda  xamuulka iyo shidaalka ee mara Gacanka Cadmeed iyo in ay ka difaacaan dagaaalka ay isu bahaysteen Sacuudiya ee ay kula dagaalamayaan Xuutiyiinta mayalka adag ee ka dagaalamaaya dalka Yemen.
2–  Ujeedada ka danbeysa in imaaraatigu ay maalgeliyaan Dekeda Berbera waxay aheyd arin ay dabada ka riixaysay dawlada itoobiya oo sheer ku laheyd mashruucaas DPW  maadaama  Dalka itoobiya yahay dal aan bad laheyn ( land Lock ) oo shacabkiisu aad u tiro badan yahay una baahan Dekedo ay maceeshadaha kala soo degaan.
3-  Waxaana lagu heshiiyey in layska kaashado oo la dhiso Wadada Berbera Corridor ee dhererkeedu yahay 937km ( Wajaale ilaa Addis Ababa)  waxay wadadani ku bilaabantay rabitaanka dawlada itoobiya iyagoo wadadaas  qaybteeda ugu dheer oo gaadhaysa 696KM ay World Banka lacagtii lagu dhameystiraayey hore uga dhameysteen.  laakiin maanta ay rafanayso sidii loo dhisi lahaa ee loo dhameystiri lahaa qaybta Somaalilaan ay leedahay wadada oo gaadhyasa 241KM (Berbera ilaa Wajaale) taas oo ah waddada isku xidhaysa Berbera iyo dalka Itoobiya si maceeshada ka soo degta Dekeda Berbera ay  mudo kooban ugu gaadho dalka itoobiya.
4– Waxaa iyana  dawlada Itoobiya ay ka gaabsatay sheerkii kaga aadanaa Mashruuca DPW oo ahaa mashruuc baaxadiisa leh oo ahaa sadex geesood ( Tri-leteral Contact agreements ) kaas oo ay wada galeen Somaalilaan oo heshay sheer dhan 30%, Itoobiya 19% iyo imaaraatiga oo yeeshay 51% .
 
Waxaa dhawaan dawlada Federaalka ee Somaliya ay Somaalilaan ka dacweysay ururka qaramada midoobay (UN Security Council) iyo ururka jaamacadda carabta ( Arab Leuge) Waxaana dawlada Somaaliya ay dacwadeeda ku saleysay in dhamaan heshiisyada ay Somaalilaan la gashay dawlada imaaratiga ay  yihiin waxba kama jiraan xaaraan ah (Null & Void )  maadaama Somaalilaan aan weli la ictiraafin oo aanay awood sharci u laheyn in ay dawlada imaaraatiga la gasho heshiis caalami ah.
Hadaba maxaa is bedelay ; Horta marka hore waxaad ogaataan in shirkada DPW ay tahay shirkad aan madani aheyn ee ay tahay shirkad metesha oo ay leedahay dawlada imaraatigu. Waxaa cadho xoogani ku abuuran tahay markii dawlada  imaaraatiga iyo shiradeeda DPW laga soo caydhiyey dalka Somaliya iyo dalka D-jabouti taas oo ay ka samri waayeen  Dekeda jabouti ee Daaroole oo ay lacag badan mudo dheer ku maalgelinayeen, Waxaa iyana cadho labaad ku timi markii dawlada imaaraatiga laga joojiyey fadhiisinkii ciidamada  (Military Base ) ee ay ka dhisteen garoonka dayaaradaha ee Berbera taa soo lacag badani kaga baxday , Waxaa iyana cadaatay in ay dawlada itoobiya hakisay kana  noqonayso sheerkeedi ahaa 19% ee ay ku laheyd mashruuca DPW iyo dhismaha jidkii rajada ee  Berbera Corridor waxaana warbixintan qoray oo aan ka soo xigtay Wargeyska Capital ee laga leeyahay Dawlada Itoobiya.
 Kadib markii Siyaasadii geeska Afrika  ay isbedeshay ee Abiy Ahmed hogaanka u qabtay waxay  dawlada imaaraatigu hakad iyo cago jiid geliyeen dhamaan mashaariicdii ay ka wadeen Somaaliland marka laga reebo mashruuca balaadhinta Dekeda berbera oo isaga dan buurani  ugu jirto shirkada DPW lagana cabsi qabo in isna istaago sanadakan dhamaadkiisa. Waxay imaaraatigu wada hakiyeen dhamaan mashaariicdii yar yaraa ee ay hore ugu balan qaadeen in ay ka fulinayaan Somalilaan waxaana shacabka reer Somaalilaan is wediinayaan xagay ku danbeeyeen mashaariicdan hoose:
 A) Xaguu ku danbeeyey Mashruuca Berbera Free Zone ee  ay bilaabi lahaayeen dhamaadkii sanadkii hore 10/12/2019?
B) Xaguu ku danbeeyey mashruucii horumarinta tamarta ee $7 million doolar ahaa ee ay ka fulin lahaayeen  Magaalada Berbera ?
C) Maxay u joojiyeen imaaraatigu mashaariicdii dhismayaasha dii Hosbitaal  ee ay ka bilaabeen magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeisa ?.
D) Maxay u kala direen 7-dii shirkadood ee waday  dhismaha wadada Berbera Corridor ee ay aheyd in la dhameeyo oo la furo 10-KM ee ugu horeeya wadada sanadkan bilowgiisa Janaayo 2020.?
Mashruucan dhismaha wadadii rajadaa ee  Berbera Corridor wuxuu galay xaalad kab-kab ah oo aad u cakiran ka dib markii 7-dii shirkadood ee ka shaqeynaayey dhismaha wadada ay ku soo koobeen shirkad keliya, shirkadihii kalena dhismihii wadada joojiyeen markay ku khasaareen ee ku  jaahwareereen dhismihii wadadaas ee ninka Carabka ahi lugta ku walaaqaayo. Mashruucan Waxaa la dhagax dhigay sanad ka hor 28/2/2019, kaas oo aan weli la dhameyn 10kii-KM ee ugu horeeyey ee dhamaan lahaa bishii koowaad ee sanadkan 2020. Waxaana u qorsheysnaa Mashruuca in wadadu wada dhamaato bisha 5-aad sanadka soo socda ee 2021, laakiin uma muuqato in ay waqtigaas ay wadadu ku dhamaaneyso maadaama shirkadihii dhisaayey lagu soo koobay shirkad keliya.
GebaGebo : Mashaariicdan is wada taagtay waxay markhaati ka noqonayaan sida ay u sii kala fogaanayaan xidhiidhka ka dhaxeeya  imaaraatiga iyo Somalilaan..
              Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan ” Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa – shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso” !!

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews