berberatoday.com
Noloshii Iyo Khibradii Siyaasadeed ee uu lahaa Hogaamiyihii Weynaa Ee Masar Madaxweyne Anwar Al-sadaat Qaybtii 1-aad.W/Q Cabdi Yasin Yool
May 20, 2020 - Written by Berbera Today

Maxamed Anwar Al-sadaat wuxuu dhashay 25 December ee sanadkii 1918 isagoo ku dhashay tuulada Meyt Abu Karam ee Gobolka Manuufiya.oo ay inta badan kasoo jeedaan Madaxweynayaasha Masar soo xukumay sida Madaxweynaha xaaliga ee xilka haya Abdilfatah Al-sisi . Maxamed Xusni Mubaarik iyo Caadil Al-mansuur iyo sidoo kale 9 Ra’iisal-wasaare oo soomaray Xukunka Masar .iyo 60 Wasiir.Gobolka Manuufiya ayaa lagu naanaysaa Dhulkii madaxdu kasoo bixi jirtay . sirta ayaa ah in dadka Gobolkani Waxbarashada jecelyihiin .
ارض السلطة والحكم في مصر

Sadaat waxaa uu la dhashay 13 -caruura sanadkii 1935-kii wuxuu gallay kuliyada dagaalka isagoo kabaxay 1938 oo xilligaa ay maamulaysay Boqortooyada Britain oo Masar xukumaysay waana halka isku baranayaan hogaamiyihii kacaanka Jamaal Cabdinaasir Xuseen Suldaan
oo ahaa maskaxdii kadanbaysay in Xukunka Masar laga tuuro Boqortooyadii Calawiyiinta ee uu Aas-aasay Maxamed Cali Baasha oo Masar xukumaysay sanadihii 1802 ilaa1952 .

Sida uu buugiisa Xasuus qorka ee كنت رئيسا لمصر uu ku qoray Maxamed Najiib. oo Masar Madaxweyne kanoqday 1952 ilaa 1954 Wuxuu leeyahay Anwar Saadat wuxuu ahaa nin caqli badan .

Sandkii 1938-kii markii uu dhameeyey waxbarashadii kuliyada dagaalka wuxuu shaqo sarkaal hoose ah ka helay magaalada Manqibaad ee Koonfurta Masar .horaantii noloshiisa Saadat waxa uu bilaabay inuu kulug yeesho dhaq-dhaqaaqa Siyaasada iyadoo ay saamaysay Hogaamiyayaal Siyaasadeed iyo Bulsho oo ka jiray Masar iyo Caalamka kale sanadkii 1941 wuxuu markii ugu horaysay gallay xabsiga isagoo kasoo baxay 1942 iyadoo lagu tuhmayey dhaq-dhaqaaq siyaasadeed
hadana waxaa mar .2-aad laxidhay sanadkii 1943 iyadoo Dowlada Britain ku Eedaysay inuu gudaha Masar ku qarinayey xidhiidhna lalahaa saraakiil Jarmalka ah xilliyadaa Aduunka waxaa ka socday dagaalkii 2-aad ee Aduunka . laakiin markan xabsiga waxaa usuurtagashay inuu ka baxsado isaga iyo saaxiibkii Xasan Cazat .waxaanu noqday Xamaal Baaburta waaweyn rarka karoga isagoo iska badalay magiciisii Anwar Saadat lana baxay Magac Af-garasho oo ah Al-xaaji Maxamed . dhamaadkii sanadkii 1944 wuxuu uwareegay Degmada Abu-kabiir ee Gobolka Sharqiya ee Masar isagoo ka furtay Mashruucyar oo waraabka beeraha ah sanadkii 1945 waxaa dhamaaday dagaalkii 2-aad ee Aduunka waxaana laga cafiyey Saadat dhamaan danbiyadii loohaystay oo dhuumasho kaga jiray saddex sano oo ladoonayey .

Intaa kadib Maxamed Anwar Sadat wuxuu sihoose ugu biiray Guutada Xarasul Al-xadiid oo lagu tuhmayey inuu lahaa Boqor Faaruq

Guutadan ayaa lagu eedeeyey inay kadanbaysay dilka Wasiirkii Maaliyada ee Masar .Amiin Osman oo lagu tirin jiray nin Aad ugu dhawaa Boqortooyada Ingiriiska markan waa laxidhay Saadat balse wax cadayna waa lagu waayey waana lasii daayey Anwar Saadat wuxuu guursaday 2-jeer marka hore waxay ahayd sanadkii 1940 isagoo guursaday gabadh Asalkeedu Turki yahay oo markii hore loodiiday iyadoo lagumagacaabi jiray Iqbaal Cafiif.waxaanay udhashay saddex hablood waxa uu furay 1949 hadana wuxuu sanadkii 1951 guursaday Jihaan Ra’uuf iyada oo udhashay saddex hablood iyo Wiil uu ugu magacdaray saaxiibkii Jamaal Cabdinaasir.

Lasoco …Q2-aad iyo sida uu ku gaadhay Kursiga Madaxweynaha .

Cabdi Yaasiin Yool .

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews