berberatoday.com
Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Somaalida Itoobiya Oo Xasaanadii Ka Qaaday 12 Xildhibaan Iyo Sababta Keentay
May 22, 2020 - Written by Berbera Today

Jigjiga(Berberatoday.com)-Fadhigii Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee maanta ayaa  xasaanadii laga  xayuubiyey 12 xildhibaan, oo katirsan baarlamaanka ddsi

Xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen fafal ka hor imanaya anshaxa golaha kuwaasi oo markii danbe abuuray muran sababay gacan ka hadal oo hadheeyay fadhigii golaha.

Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.

Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.

Intaas kadib fadhigii golaha ayaa cod xasaanad ka xayuubin ah loogu qaaday xildhibaanadaas oo gaadhaya 12 xubnood, waxayna xubnihii kale ee baarlamaanku ogolaadeen in xaaaanadda laga xayuubiyo.

Xildhibaanadaas ayaa kala ah:

Maxamed Axmed Layli

Axmed Aadan Axmed

Cabdiwali Axmed Faarax

Mahad Xasan Maxamed

Shaafi Cashiir

Nadiir Yuusuf Aadan

Cabdirisaaq Cabdullaahi Belyi

Yuusuf Cilmi Isaaq

Axmed Xasan Nuur

Yuusuf Axmed Xirsi

Dr Nimcaan Cabdullaahi Xamare,

Cabdiraxmaan Curaagte.

Intaa ka dib waxaa faah faahin ka bixiyay talaabada xasaanada lagaga xayuubiyay 12xildhibaan masuuliyiinta ka tirsan golaha baarlamaanka iyo wasiiro.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan Oo Faahfaahsan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews