berberatoday.com
Somaliland: Tirada Dadka U Dhimanaya Xanuunka Covid-19, Oo Sii Kordhaya
May 22, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka xog warantay kiisaskii ugu dambeeyey ee laga helay xanuunka koronaha, waxayna tilmaantay in shalay laga helay laba qof, halka tirada guud ee xanuunkan laga helayna ay yihiin 131 qof, halka hal qofna uu u geeriyooday, wadarta guud ee dadka u geeriyooday xanuunkana ay yihiin ilaa hadda 11 qof.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbixintiisa maalinlaha ah ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay inay baadhitaan ku sameeyeen dadka ka soo talaabay xuduudaha, waxaanu yidhi“Inagoo Bulshada Somaliland la wadaagayna xaalada maalinlaha ah iyo xaalada guud ee Covid 19 ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, alxamdulilaah 24 sacadood ee ugu dambeeyey waxaanu baadhnay 20 qof, 20 qofkana waxaa ka soo baxay oo tiradii hore ku biiray laba qof, labada qof hal qof waa dumar, hal qofna waa rag, labadubana waxay joogaan Magaalada Hargeysa, labada qofba da’doodu waa da’da u dhexeeysa 30 jir ilaa 40 jir”.

Mar uu ka hadlaayey tirada ilaa hadda xanuunkan laga helay, tirada ka bogsatay iyo tirada u geeriyootay ayaa yidhi  “Wadarta guud ee xanuunkan laga helay waxay ka dhigayaan 131 qof, halka wadarta guud ee xanuunkan ka bogsatay ay noqonayso 10 qof, iyadoo aanu filayno in dhawaan dad badan dib loo eegi doono oo bogsashadu aad kor ugu kici doonto, dhawrka maalmood ee soo socda haddii ALLE yidhaahdo, 24 sacadood ee ugu dambeeyey dadkii hore ee xanuunka Cisbitaalada ugu jiray, waxaa Magalaada Boorama ku dhintay hal qof, taas oo ka dhigaysa wadarta guud ee dhimashada 11 qof, 24 sacadood ee ugu dambeeyey waxaa laga hubiyey xumada xanuunkan 2381 iyadoo shaqaaluhu meelo kala duwan ku eegeen, dadkaas ka soo galaya dhinaca xuduudaha”.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in labadan qof ee laga helay xanuunka ay ka mid ahaayeen dadkii karantiinka ku jiray.

 

 

 

Sources Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews