berberatoday.com
Xogo Laga Helay Macalinkii La Dagaalamay Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Nuuradiin Iyo Waxa Ka Dhexeeyay
May 22, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Xogreebnews)-Dagaal gacanka hadal ah, ayaa Masaajid ku yaala 150-ka ku dhexmaray Maamulaha dugsiga Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed iyo Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo kamid ah, Macalimiinta Dugsigiisa waxka dhiga qaybta Sheekh Madar. Baadhitaan Xaqiiqo Raadina oo ay samaysay Shabakada Xogreebnews, ku samaysay dhacdada, waxa la xaqiijiyey in Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed afar bilood oo Mushahar ah ku laha Maamulaha dugsiga, isla markaana dhowr jeer oo hore ay uu Macalinku dalbaday in la siiyo, hase-yeeshee Maamule Nuuradiin ayaa kaga baxay Balamo badan, sida ay Shabakada Xogreebnews u sheegeen ehellada Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed. Galabta ayey ku Kulmeen Masaajidku yaala xaafada 150 ka, halkaasoo ay isku af dhaafeen maamule Nuuradiin iyo sidoo kale Macalin Cabdiraxmaan, waxana gacanta ku horeeyey Maamulaha oo si cadho leh ugu dhuftay Dhirbaaxo Macalin oo u ku eedeynaayey inuu fadeexad ku samaynaayo, balse taas waxa isna ka dagaal kaga jawaabay Macalin Cabdiraxmaan. Waxana isla markiiba gacan Saaray Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed laba Nin oo la socday maamule Nuuradiin iyo weliba kuwo kaloo isla masaajidka ku sugnaa. Macalin Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed, ayaa hada xidhan isagoo qaba dhaawacyo waaweyn sida ay noo xaqiijiyeen eheladiisu, waxana lagu xidhay saldhiga daloodho, isagoo Lug iyo Gacan talan-taaliya laga Jebiyey. Eheladiisu waxa kaloo ay Shabakada Xogreebnews u sheegeen in loo diiday inay dhakhtar la geeyo,isla markaana la soo daweeyo. Dhaawaca soo gaadhay Maamulaha dugsiga Nuuradiin Mahad, ayaa isagu ah mid fudud, waxana isla markiiba la geeyey dhakhtarka weyn qaybta gar-gaarka degdega ah, haseyeeshee Macalinkii ay dagaalameen waxa u ku jira Xabsiga isagoo Lug iyo gacan ka jawabaan. La soco wixii kasoo Kordha

 

 

xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews