berberatoday.com
Ciidanka Masar Oo Heegan La Geliyey Iyo Itoobiya Oo Diyaarsatay Gantaallada Lidka Diyaaradaha.
May 23, 2020 - Written by Berbera Today

Cairo(Berberatoday.com)-Xiisadda Itoobiya iyo Masar ee biyo-xidheenka webiga Nile ayaa kasii dareysa ayada oo Itoobiya ay billowday difaac ay kaga hortageyso weerar ay ka cabsi qabto, halka ciidamada Masar heegan culus la geliyey.

Wargeyska The New Arab ayaa ilo-wareedyo Itoobiyaan ah kasoo xigtay in horraantii bishan ay Itoobiya billowday inay habka gantaallada lidka diyaaradaha gayso halka laga sameynayo biyo-xidheenka, si ay isaga difaacdo duqeymo ay ka cabsi qabto in lagu soo qaado.

Daad gureynta gantaalladan oo weli socota ayaa la filayaa in lasoo geba-gebeeyo bisha June. Itoobiya ayaa lagu warramayaa inay gantaalladan ka heshay Ruushka iyo dalalka kale.

Dhinaca kale, madaxweynaha Masar Abdifatah Sisi ayaa Salaasadii la kulmay wasiirka difaaca Mohammed Zaki iyo taliyayaasha ciidamada isaga oo amray in ciidanka heegan culus la geliyo si loo difaaco amniga qaranka.

Si kastaba, inkasta oo ay jiraan dhacdooyinkan cabsida leh, islamarkaana Masar ay biyo-xidheenka u aragto inuu halis ku yahay, haddana xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in dagaal dhex-mara labada dal aanu u muuqan mid dhici kara mustaqbalka dhow.

Xiisadda ayaa sare u kacday Bishii April, markii ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu soo jeediyey in lagu dhaqaaqo “marxallada koowaad ee buuxinta” biyo-xidheenka taasi oo muddo laba sanno gudaheed ah ku shubeysa keydka biyo-xidheenka biyo dhan illaa 18.4 bilyan oo cubic meter.

Masar iyo Sudan ayaa ka cabsi qaba in keydka biyaha biyo-xidheenka – oo qaada 74 bilyan oo cubic meter ah – uu yareyn doono biyaha soo gaadha.

Buuxinta iyo howl-galinta biyo-xidheenka “waxay halis gelin doontaa amniga biyaha, amniga cunnada, iyo xaqiiqdii jiritaanka 100 milyan oo Masaari ah, kuwaasi oo noloshooda ay ku xidhan tahay Webiga Nile,” waxaa sidaas lagu yidhi warqad uu wasiirka arrimaha dibedda Masar Sameh Shoukry u diray Golaha Ammaanka QM oo ku taariikheysan 1-da May.

“Tani waa xaalad suurta-gal ay tahay inay halis muuqata ku noqoto nabadda iyo amniga gobolka oo dhan,” ayuu yidhi.

Jawaab ku taariikheysan 14-ka May, islamarkaana ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Gedu Andargachew waxa uu Masar ku eedeeyey inay tahay carqaladeeye.

“Ethiopia ma haysato waajib sharci ah oo ay tahay inay Masar fasax uga raadsato buuxinta biyo-xidheenka,” ayuu yidhi Gedu.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews