Qarax Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo
May 25, 2020 - Written by Berbera Today
Baydhabo(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 5 Qof, ayaa ku dhintay in ka badanina way ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya xilli lagu guda jiray maalmaha dabbaal-degga ciidda, sida uu sheegay sargaal ka tirsan Booliska Baydhabo.
Qaraxa, ayaa la sheegay inuu ka dhacay xero ay ku sugan yihiin barakacayaal. Labaatan iyo labo qof oo dhaawac ayaa la geeyay isbitaalka guud ee Baydhabo, sida uu BBC-da u xaqiijiyay agaasimaha isbitaalka Cabdifitaax Ibraahim Xaashi.