Muqdisho(Berberatoday.com)-Masuulyiinta Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay inay ka xunyihiin hadal uu dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka jeediyay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.
Madeira oo ka hadlay heshiis bishii hore magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo sadex kamid ahaa golaha isbadal doonka Jubaland ayaa ku qeexay mid dhex maray “xubno isku beel ah.”