berberatoday.com
“Wasiirada Anigu Lama Yaabo Waayo, Irbad Mid Dun Gelin Karaa Ma Jiro, Haddii Aanu Madaxwaynuhu Isagu Ku Amrin”Cali Guray. “
May 28, 2020 - Written by Berbera Today

“Guddida Uu Madaxwaynuhu U Magacaabay Ka Hortagga Cudurka Covid19 Xubnaha Badankoodu Waa Wasiiro Aan Heerka Farsamo Ee Hawsha Loo Magacaabay Waxba Ka Ogayn”Siyaasi Cali Guray.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo Kamid ah Haldoorka Reer Somaliland Ee Badi ka hadla xaalada dalka Ayaa ka dayriyay rajada waxqabad ee laga filan karo gudida Heer qaran ee ka hortaga xanuunka coronavirus uu u Magacaabay madaxwaynaha jsl muuse biixi oo uu sheegay in Aanay lahayd awood ay shacabka ugu qabtaan marka  laga Reebo waxa uu amro in ay qabtaan madaxwaynuhu taasi oo Aan laga filayn in wax soo kordhiyaan.

Dhanka kale Siyaasi cali guray ayaa soo bandhigay sida aanay wax awooda ulahayd gudida Wasiirada ah ee uu madaxwaynuhu magacaabo aanu jirin xeer qeexaya shaqada ay qabanayaan.

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

QALADKII SHALAY IYO DARAAD MAANTANA WAA ISLA ISAGII OO SOO NOQNOQONAYA UUN EE WAX KALE MA JIRAAN”CALI GURAY

“Arimaha la xidhiidha ka hortagga COVID-19 iyo maamulka Qaadhaanka loogu yaboohay ma jirto cid ka jawaabi karta oo Aan Madaxwaynaha ahayn oo laga yaabo in isagu keligii uu Leeyahay saxeexa xisabta baanka ee loogu talogalay ka Hortagga COVID-19. Taasina sax maaha marka aynu ka Hadlayno nadaam maamul oo uu jiro furnaansho iyo la Xisaabtan (Transparency and Accountability)

Guddida uu Madaxwaynuhu u magacaabay ka hortagga Cudurkan xubnaha badankoodu waa wasiiro aan heerka Farsamo ee hawsha loo magacaabay waxba ka ogayn. Hadaad Aragto guddi Madaxwayne uu magacaabay oo aan xilkeedu qeexnayn ama aan lahayn “Terms of Reference” waxa laga filaa maaha hawshii loo baahnaa. Guddi Farsamo ama “Task Force” ka hortagga cudurkan ah may dhisin, Wasaaradda lafteeduna maba ay lahayn (Waaxda Ka Hortagga Cudurada Faafa) oo dabcan iyadu ka masuul noqon lahayd hawsha aan ilaa hadda la garanayn cidda ay sida tooska ah u hoos tagayso ee masuulka ka ah. Markaa wax isbedelay ma jiraan waa hadba waxa uu ku soo tooso Madaxwaynuhu subaxii.

Wasiirada Anigu Lama Yaabo Waayo Irbad Mid Dun Gelin Karaa Ma Jiro Haddii Aanu Madaxwaynuhu Isagu Ku Amrin. Markaa wasiiro uu Madaxwaynihi karaamo tiray waa ayo cidda kale ee karaamayn kartaa? Markaa iyagaaba dulman sida aan u arko. Marka xaalku sidaa yahay ma jirto cid uu la xisaabtami karaa Xataa Wasiiradiisa Waayo Waxay Qabtaan Keliya Waxa uu isagu U Diro Waxba Kale Ma Qaban Karaan.

Marka ay aafo dabiici ah dhacdo Somaliland maaha ceebteed ee waa caadadeed lama ogola nadaam la xisaabtan leh iyo cid gaar ah oo lagala xisaabtami karo midna sababtuna waa in si fudud oo dhib yar wax loogu lunsan karo.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews