Xogahayha Guud Ee Qarama Midoobay Oo Amaanay Tallaabo Uu Qaaday Madaxweyne FARMAAJO
May 28, 2020 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-António Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ammaanay tallaabadii uu madaxweyne farmaajo ku raali-geliyey reer Somaliland, wuxuuna fariin u diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland, midaasi oo ugu baaqayey inay dib u furaan wada-hadalada labada dhinac ee muddada badan hakadka ku jiray.
Guterres ayaa warbixintii uu siiyey kulanka Golaha Ammaanka QM ee arrimaha Soomaaliya, waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelintii uu Madaxweyne Farmaajo u diray Somaliland, taasi oo ku aadaneyd xasuuqii ay dowladda Maxamaed Siyaad Barre ka geysatay qaar kamid ah deegaanadeeda.