berberatoday.com
Shukaansigii Waddaadka!W/Q Amal M.M Kastam.
June 5, 2020 - Written by Berbera Today

Guurku Inuu nolol iyo naruuro yahay haddaad hesho qof aad nolosha isla fahantaan baan niyada ku hayay, laakiin nin gaar ah oo aan naawilayay muu jirin. Kolba kii iga hela ayaan anna nacam odhan jiray oo aan la sheekaysan jiray.

Waxaan ahaa qof su’aalo badan is waydiinaysa oo haasaawaha ugu ma jirin uun inaan xaaji ka helo, balse wuxuu ii ahaa dugsi aan wax ku barto, maalin kasta casharo cusub ayaan baran jiray, cilmi aanan hore u aqoona waa iiga kordhi jiray. Bulshada iyo xaafadayaduba waxay igu waanin jireen inaan iska ilaaliyo dhawr nooc oo ragga kamid ah: ninka dibjirka ah, ninka saboolka ah iyo ninka iga yar!.

Anigoo fikirkaa aaminsan baan soo koray, waliba waxaan ku kalsoonaa in taladaasi tahay mid dhaxal-gal ah oo waayeel soo jabay isiiyay, muhiimna ay tahay inaan dhug u yeeshaa. Markii aan bilaabay shukaansiga, waxaan raacay qaacidaadii aan sitay oo ahayd inaan fogeeyo ninka saddexdaa qodob aan ku arko, waxaan jeclaa inaan guursado waddaad maadaama wanaagooda aan ka maqlay waalidkay, sidoo kalena waxa ku xidhnayd farxada deegaankaan joogo, anna sumcad iyo sharaf bay ii ahayd oo dad badan baan duco iyo jacayl kaga helayay.

Muddo ayay igu qaadatay inuu waddaad ila hadlo, sidaad ogtihiina hablaha badankoodu waxay sugaan in iyaga la barto, anna kuwaas baan ka mid ahaa oo si kastoon waddaad qalbiga ugu hayo, haddana waan samrayay inta aan la kulmayo waddaad I danaynaya. Sannado kadib waxaa ii hirgashay rajadaydii aan wakhtiga badan dhawrayay oo waxaan khadka iska baranay nin waddaad ah, waxaa facebook ga oo ahayd halkaanu ka wada hadalnay u yaalay kitaab iyo sawiro uu khamiis xidhanyahay, wuxuuna ii sheegay inuu yahay macalin dhiga madarasadaha qur’aanka lagu barto ee magaalada Hargaysa. Si ka duwan sidii aan u soo dhawayn jiray wiilasha haasaawe doonka ah ayaan u qaabilay isaga, waan u hanwaynaa, waxaanan hubay inuu yahay qof aan ka helayo wax kasta oo wanaag iyo farxad ah.

Saddex habeen markii aanu haasaawaynay, ayuu iga codsaday guur, anigana arrintaasi waxay igu noqotay yaab iyo fajac, maadaama oo guurku yahay go’aan adag oo saamayn xoogan ku leh qofka mustaqbalkiisa, waxaan aaminsanaa in laga fiirsado oo la falanqeeyo wakhti ku filana la siiyo wada hadalka guurka ka horeeya, laguna fududaanin go’aan qaadashadiisa oo lays ka barto qofka aad nolosha la wadaagayso in badan.

Waddaadkii wuxuu ii sheegay in kaftanka iyo sheekada dheeriba ay tahay dembi iyo ceeb oo aan iska daayo, habeen dambena aan la kulmo, ka ku xigana uu isoo dooni doono. Amakaag iyo anfariir buu ila noqday warkiisu, balse xadiisyo badan markuu ii soo daliishaday ayuu I xidh-xidhay oo erey aan u celin kari waayay, kuna raacay fikirkiisi.

Fiidkii markay gaadhay baan si fiican u lebistay. Muuqaalku waa qayb kamida waxyaabaha ay raggu xiiseeyaan ee isa sii shid baa igu jirtay oo adigoo kala jeeda ha tagin ballanta. Waddaadkii markuu indhaha iga qaadayba waxuu igu salaamay canaan iyo qaylo, wuxuu ii sheegay in aan ahay gabadh xun oo suuqa ku jirta, waliba aan isaga ka doonayo hawlo waawayn oo afkaygu ka xishoonayo, kuma xanaaqin ee waxaan u muujiyay ixtiraam, anigoo hoosta cadho iyo ciil aan bestay la ahay, haddana waan xushmaynayay maadaama aan diinteena suuban jeclahay, isaguna iiga aqoon badan yahay, waxaan dhaqan u lahaa inaan ku tixgaliyo qofka wuxuu iga yaqaano.

Labaatan daqiiqo markaanu odaygii waddaad ahaa wada taaganahay ee uu xisaabinayo qarashkii meherka iyo gabaatigii uu reerka u keeni lahaa ayaanu muranay, waxaanu isku qabsanay siduu wax u kala reebayo, meherkaan ka codsaday ee ahaa 5000 ee doolar, wuxuu ka dhigay 500 oo doolar, cabaar markay doodii noo socotay buu kor ii soo eegay, intii hore se hoos buu iiga foorayay oo indhahayagu ismay fiirinaynin.

Waddaadkii wuu is bedelay, xisaabtii wuu xidhay, ammaan buu igu harqiyay, waxa ereyadiisi kamid ahaa’ ” waxaad taagantahay wakhtigii ugu fiicnaa oo inan yar oo qurux la soo kacday baad tahaye, xageed ku qarsoonayd, inaba caadi ma tihid”, xoogaa kadibna wuu igu soo durkay oo faruhuu ila soo galay, naxdintii lama filaanka ahayd ee aan qaaday orod baan is dhigay si aan u badbaado, waddaadkii intaan ka cararayay ayaan meel aan fogayn ku kufay, waayo kabo dhaadheer baan gashanaa, meel baa ila siibatay aanan hadda xusuusan siday u eekayd, socodkiisi buu igu soo gaadhay anigoon wali kicin, wuxuu igu idhi ” kac huuno oo kor isku qaad, kuma caawin karo oo waa xaaraane”, intaan kacayay buu haddana igu yidhi ” waxa lagaa jarayay dembigii aad gashay ee magaciisu ahaa israaf, sababtoo ah dharkan qaaliga ah maxaad u iibsatay?”. Anigoo afkii juuqda igabay baan halkii ka guurguurtay oo gurigayagii tagay.

La Soco Qeybaha Danbe

W/Q Amal M.M Kastam.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews