berberatoday.com
Mashaariicdan Hoose Oo Ay Maalgelinayeen Dawlada Imaaraatku (UAE ) Waa Wada Faashil Oo Looma Fulin Sidii Lagu Heshiiyey. Qalinkii A/rahman Fidhinle UK
June 10, 2020 - Written by Berbera Today
Baadhis iyo dabo gal mudo dheer qaatay ka dib, Waxaa loo sibir saaray in Mashaariicdan hoose ee dawlada imaaraatigu (UAE)  maalgeliyeen ay ku wada fashilmeen gacantii dawladii Siilaanyo  taas oo uu abaanduule ka ahaa Xafiiska dawlada Somaliland ku laheyd dalka Imaaraatiga waqtigii dawlada Siilaanyo. Qaar ka mid ah Mashaariicdan waxaa ilaa hada dul hoganaaya mad-madow faro badan, Musuq- Maasuq , iyo mashruuc ku macaash aan loo meel-dayin.
1-  Mashuruucii Baaxada lahaa ee Biyo Xidheenka  Weyn ee Xubo weyne ee ( Waaheen ) Mashruucan waxa la bilaabay 26/12/2015 Waxaana uu dhamaan lahaa  25/08/2016- Mashruucan oo fashilmay, fashilaadiisa waxaa iska baracday dawlada Muse Biixi waxaana fadeexadaa loo sibir saaray Dawaladii Siilaanyo iyo Wasiiradeedii.
2- Mashruucii Biyo gelinta  Xunbo weyne ( Pipeline ) Mashruucani wuxuu ku fashilmay gacantii Dawladii Siilaanyo iyo dawlada UAE oo usoo wakiilatay hayada  Khalifa Foundation.
3-  Mashaariic horumarineed oo yar yar oo iyana isugu jira  Xarumo Caafimaad  (MCH), Dugsiyo Waxbarasho iyo Suuqyo la socda ayaa lagu heshiiyey in la dhagax dhigo 1/3/2016 si ay mashaariicdaasi u dhamaadaan 28/02/2017. Mashaariicdaasi waxaa loo qoondeeyey in ay ka fulaan magaalooyinka Borama, Hargeisa, Burco iyo Berbera lakiin waxay ku ragaadeen gacantii markaa maamuleysay ee Xukuumadii Siilaanyo.
4- Mashruuca dhismeyaasha Hospitaalada laga bineeyey magaalooyinka Berbera, Burco iyo Hargeisa ayaa iyaguna qabyo wada noqday oo aan weli  la dhameystirin.
5- Mashruuca Wadadii rajada ee Berbera Corridor  ee la dhagax dhigay 28/02/2019 ayaa mudadii uu socotay oo ah 15 bilood  lagu dhameeyey 12-Km oo keliya taa soo u muuqata in aanay marna ku dhamaaneyn waqtigii loo mudeeyey in ay wadadaasi ku dhamaato oo ku began May 2021. Waxaa nasiibdaro ah in 6-dii shirkadood ee dhismaha wadada waday lagu soo koobay shirkad keliya oo aan marna ku dhamaystireyn Wadadaas waqtigii loo cayimay.
6- Mashruuc Waxbarasho  oo Scholarship ah oo ay ku balan qaaday in ay bixinayso dawlada imaaratigu UAE ayaan isna fulin.  mashruucan oo ay aheyd in 45 arday ee ugu horeeya in ay dawlada imaaraatiga UAE waxbarasho u tagaan, taa soo lasyku raacay in uu bilaabmo taariikhda 20/01/2016. Qaadista Ardeydan waxaana  ku fashilantay Hayda Khalifa Foundation iyo Xukumadii Siilaanyo ee markaa talada haysay qaar ahaan Wakiilkii Xafiiska Somaliland ee UAE  Waqtigaas fadhiyey.
7- Mashruuca kor u qaadida aqoonta iimaanada masaajidada  Somaliland oo laysku raacay in 22 iimaam  loo qaado oo lagu tababaro dalka UAE 17/01/2016
8- Mashruuca Tayenta aqooneed ee Wariyeyaasha idaacada Quraanka kariimka ka shaqeeya , Qalabeynta iyo dhismaha Idaacada Quraanka Kariimka oo lagu heshiiyey in mashruucan lagu dhameystiro 20/01/2016,  Nasiib daro Labadan mashruuc midina ma fulin.
9- Mashruuca Dayactirka Wasaaradda Awqaafta oo lagu heshiiyey in 19/06/2016 lagu dhameystiro mashruucaasi isna  uma fulin sidii loogu heshiiyey.
10- Mashruuca Wersheda Hilibka ee Berbera oo loo qoondeeyey in la dhameystiro  7/06/2016 –Mashruucan weli umuu dhamaan sidii loogu talo galay.
11-  Mashruuca Berbera Free Zone ee  ay bilaabi lahaayeen imaaraatigu dhamaadkii sanadkii hore 10/12/2019 isna weli wuu rafanayaa .
12-  Mashruucii horumarinta tamarta oo ku kacaayey lacag dhan  $7 million doolar  kaas oo ay ka fulin lahaayeen magaalada Berbera isna waxba kama soo naaso cada.
13-  Mashruucii Saldhiga fadhiisinka ciidamada ee Madaarka Berbera oo isga  aan weli dhinacna loo dhaqaajin. Yaab !!
Dhamaan mashaariicdaas kor ku taxani waxay wada noqdeen  ”  Aan ka fuudee Allow Fii haa ” iyo  qaar aan fulin iyo qaar noqday   faashil lagu daneystay.
Gebagebo : Waxaa Xukuumada Somaliland  loo soo jeedinayaa in ay gudi dabo gal ah u saarto dhamaan mashaariicda ay balan qaadeen dawlada imaaraatigu oo aan badankoodu u fulin sidii loogu talo galay. Mashaariicdan is wada taagtay qaarna noqdeen faashilka  waxaa markhaati  u ah sida ay u sii kala fogaanayaan xidhiidhka ka dhaxeeya dawalada  imaaraatiga UAE  iyo Somalilaan.. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan ” Aniga Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa – Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso” !!

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews