berberatoday.com
“Dawlada Kuwait Oo Aynu Ognahay Inaanu Inaga Dhaxeyn Xidhiidh Dhaqaale Iyo Mid Siyaasadeed Ayaa Inooga Waxtar Badan Imaaraatka Carabta Aynu Xidhiidho Kal Duwan Leenahay”Ambasado Hassan Yasin Hirad
June 13, 2020 - Written by Berbera Today

Canada(Berberatoday.com)-Safiirkii hore ee Somaliland ufadhi jiray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta Somaliland Ambasador Hassan Yasin Hirad oo maalmihii udanbeeyay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka Ku filaaqeynaayay mashaariicda heshiiska lagula galay dalka Imaaraatka Carabta ee aan hirgalin ee ilaa hada la baafinayo sida Madaarkii shicibka ahaa ee hore loo sheegay in laga hirgalin doono Magaalada Berbera oo haba yaraatee aan haabkiisaba la haynin iyo Cisbataalkii Isla Imaraatka carabtu Berbera ka dhisayeen oo ilaa hadda qabyo ah cidina aanay umaqnayn ceel aanu uqodnayn ayaa waxa uu Safiirku maalmihii udanbeeyay  sigaara ufilaaqeynaayay dawlada Dalka Kuwait iyo mashaariicdii hirgalay ee ay Somaliland hore uga Fulisay.

Waxaanu safiirku isbarbar dhig ku sameeyay dawlada Imaaraatka carabta oo Xidhiidh dhaqaale iyo Mid diblumaasiyadeedba ka dhexeeyo Somaliland oo Madaarkii Iyo Dekeda Berbera labadaba lagu wareejiyay Iyo Dawlada kuwait oo aanay Xidhiidh dhaqan dhaqaale iyo mid dilomaasiyadeed toona inaga dhaxaynin sida ay Somaliland isugu waxtar dhaamaan isaga oo Safiir Hassan Yasin Hirad ku amaanay Dawlada Dalka Kuwait mashaariicdii ay hore uga hirgaliyeen Madaarka Berbera iyo Hargeysa. Dhismaha iskuulada Agoomaha ee Hargeysa iyo waliba dhismaha Cisbataalka Degmada Sheekh oo dawlada Kuwait gacanta kuhayso ilaa hadda.

Amabasdor Hassan Yassin Hirad ayaa sheegay in mudo 5 Sanadooda Imaaraatka Carabta Laga hayo wax mashruuca oo hirgalay 12KM Oo Wada Berbera Corridor ah halka uu Dhismaha Dekeda Berbera ku sheegay mid Shirkad Ganacsi oo Faaiido doon ahi dhisanayso mudo 30 sanadood ahna gacanta ku haysan doonto.

Amaanta Iyo Mahad Celinta Ambasador Hassan Yasin Hirad ayaa keentay kadib markii ay bartiisa Twitterka ka arkeen Boqorada Dalka Kuwait qoraalada uu ku amaanayo ayay durbaba ka soo jawaabeen waxaanay Dalka Somaliland soo gaadhsiiyeen lacag malaayin Dollar ah oo laga hortagayo xanuunka Covid19 oo hawlihiisa lagaga shaqaynayo waxaanu lacagtaas gobolka Saaxil ka helay qoodo dhan 300.000$ oo maanta la soo gaadhsiiyay.

Halkan Hoose ka Aklhriso Qoraalka Ambasador Hassan Yassin Hirad uu bartiisa Twitterka Soo dhigay

 

“Waxaan u mahadcelinaynaa Dawladda aanu walaalaha nahay ee Kuwait oo nooqabatay mashaariic dadku kudiirsadeen aadna umidho dhashalay dadkuna aad ugu diirsadeen kuwaas oo kala ah sidan.

1-Hirgelinta Schools ka agoomaha ee Hargeisa oo noqday mid siwanaagsan loogu guulaystay loona maamulay. 2-Dhismaha lagu dayactiray madaarkii Berbera intii Aan lagu wareejin dawlada UAE ee Imaaraatka Carabta

3-Dibu dhiska madaarka Hargeisa ee Cigaal international Airport kasoo aan loomaamulin sidii larabay balse ah Madaarka keliya ee dalka Somaliland shaqeeya

4-Dhismaha Dhakhtarka Degmada Sheekh oo ah dhakhtarka keliya ee inoo hirgalay taniyo dibulasoo noqoshada xorriyadda Somaliland.

Dawlada Kuwait oo aynu ognahay inaynaan xidhiidh siyaassdeed iyo mid dhaqaaletoona inaga dhaxayn ayaa inooqabtay dhammaan mashaariicdaas halka aynu UAE oo aynu xidhiidho kaladuwan laleenahay aynu kahayno 5 sanadood 12KM oo wado ah iyo dhakhtarka QABYADA AH EE BERBERA IYO KAWAANKA ISNA LAMUSUQAY.

Ugu dambayn waxaan kulatalinaynaa inay katusaale qaataan sida loofuliyo mashaariic waxku ool ah dawladda Kuwait.

Mahadnaqii uu safiirku ujeediyay dawlada dalka Kuwait ayaa keentay inay siilabanlaabaan deeqaha uu hore dalkaasi  Kuwait hore usiin jiray Somaliland oo koobnaa iyadoo imikana laga filayo deeqo kale iyo mashaariic horumarineed oo Dawlada Kuwait ka fuliso Gobolka Saaxil.

Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalada uu Bartiisa Twitterka Soo dhigay Ambasador Hassan Yassin Hirad

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews