Gudoomiye Kuxigeenkii Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Loo Doortay Xubin Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil
June 29, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-kal-fadhigii 39aad ee Golaha sare ee Dallada dhalinyarada heer qaran ee SONYO ayaa lagu doortay Maanta Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Dalladaas Waxaanay goluhu udoorteen Xubin ka Mid ah Xil-dhibaanada Dallada oo laga soo doorto Gobolka Saaxil Kaas oo ah Maxamuud Maxamed Jaamac(Dhegaweyne)
Maxamud Maxamed Jaamac Waxa kamida ahaa Masuuliyiinta Haayada Waddaniga ah ee Yovenco sidoo kale waxa uu kamida yahay dhalinyarada aqoonyahanka ah Somaliland gaar ahaan Gobolka Saaxil Waxaanu inta badan shaqayn jiray hawlaha arimaha Bulshada.