berberatoday.com
Banaan Baxyo Rabashada Wata Oo Ka Dhashay Dilka Fanaan Caan Ah Oo Kasoo Jeeda Qoomiyada Oromada Itoobiya Oo Addis Ababa Ka Bilaamay Oo Khasaare Sababay
June 30, 2020 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dhallinyaro ka carreysan dilka fanaan caan ah ayaa gubay taayaro intii ay socdeen dibad-baxyo xooggan oo maanta ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Addis-Ababa, kaasi oo carradooda ay ku muujinayaan qowmiyadda uu kasoo jeedo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Oromada.

Madaxa booliska Addis Ababa Getu Argaw ayaa Isniintii warbaahinta dowladda u sheegay in Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah la toogtay 9:30 pm. Waxaa la xiray dad lagu tuhmayo dilka, sida uu sheegay.

Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan.

Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed.

 sidoo kale waxa la xidhay siyaasiga caanka ah ee Jawaar Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa farriin uu soo dhigay twitter-ka uga tacsiyeeyey dilka, wuxuuna ballan-qaaday baaritaan isaga oo shacabkana weydiistay inay isdejiyaan.

Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018.

“Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.

Xigasho VOA Somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews