berberatoday.com
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Dalka France Maxamed Axmed Muuse Oo Taageeray In Golaha Wakiiladu Xasaanadii Iyo Kalsoonidii Kala Noqdeen Gudoomiye Faysal Cali Waraabe
July 1, 2020 - Written by Berbera Today

VIVA-UCID.
UCID-FRANCE:

Xafiiska xisbiga UCID laantiisa dalka France, waxaanu soo dhowaynaynaa in kalsoonidii nagala noqday Gudoomiyii xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
«
Dhawr arimood awgood awgood:

1 Gudoomiyuhu waxa uu cunaha iskagaga duubay dhamaan xeerarkii iyo awoodihii xisbiga oo dhan hufnaantii siyaasadeed ee xisbigu lahaa iyo démocratiyadii la higsanaayay waxa uu baal-maray gudoomiyuhu mabaadiida xisbiga oo ah CADAALAD IYO DARYEEL isaga oo siduu doono ka yeelay.

Waxay ahayd in aanu (UCID) soo bandhigno siyaasad CADAALAD IYO DARYEEL ku salaysan oo dhexdiisana lagu doodo oo wax layska waydiiyo xaaladaha kala duwan ee dalku maraayo oo aanu soo saarno jiilkii dalka siyaasad ku hogaamin lahaa oo aanu go’aan wada gaadhno iyada oo xisbiga dhexdiisa laysugu awood sheeganayn. lkn hadii aanay xisbiga dhexdiisa cadaalad, iyo wada shaqayn ka jirin siday u dhici kartaa in aanu dalka CADAALAD IYO DARYEEL gaadhsiino ama aanu nidhaahno dadbaanu matalnaa?

Taasna waxa noogu wacan Gudoomiyaha xisbiga Mudane Faysal Cali Waraabe.

2 Gudoomiyuhu waxa uu bahdii kala wada baxay dhamaan xubnaha xisbiga oo dhan oo aanu jirin qof fikir iyo tartan siyaasadeed samayn kara, qofkii hadla ama hadal ka duwan yidhaahdana hadalkiisa xilka ayuu ka qaadayaa markaa Gabasho ayaa na dishay oo qayrkeen naga reebtay.

3 Gudoomiyuhu waxa uu doonayaa in uu titleka xisbiga uun Fagaaraha laysku maamuuso (madaxtooyada IWM) uu ku xaadiro magaca xisbiga, laakiiin hadaf siyaasadeed oo dalkan wax ka bedeli kara Diyaar uma aha cid u ahna Xisbiga uma ogola.

29/08/2019 wixii dhacay wax aan ilaawi karo may ahayn.

Hal khalad oo dhacay oo dulmi ahaa waxa gaystay guudmiyaha xisbiga UCID in uu saxo oo uu raali galin ka bixiyana wuu diiday diiday! XISBIGUNA WUU SIXI KARI WAAYAY! bini aadamka lama yaraysto.
Maanta AYAA KHALADKII DHACAY HADABA SAXIISII SOCDAA. ILLAAHAY ayaa mahad leh.

Waxaan u soo jeedinayaa xisbiga UCID in aynu doorano hogaan cusub oo siyaasada dalka wax ku soo kordhiya hogaanka dalkana qabashadiisa u diyaara oo ummadana u horseeda furfurnaan iyo feker siyaasadeed oo cusub (political innovation).

Golaha baar-lamanku way ku mahadsanyihiin in ay Gudoomiyaha xiisaanadii kala noqdeen ka dib markii aanu anagu (bah-waynta xisbiga ) arintaa waxba ka qaban Kari waynay.

Gudoomiyuhu waxa uu xisbiga awgii ku helay 1 guri 2 gaadhi 3 lacag.

Baarlamanku waxay badbaadiyeen sharafta dalka ta xisbiga iyo Democradiyada.

Anagu lacagtana waanu bixinaa xilkana waa nalaga qaadaa waxna kuma helno xitaa madaxtooyada ma galno. Gudoomiyuhu isagaa noo dhago iyo indho ahaa.

Gudoomiyuhu waxa uu Ka mid yahay dadka political abuse ka ku sameeyay Somaliland.

ILLAAHAY AAYAA MAHAD LEH.

Maxamed axmed muse Dirir..

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews