berberatoday.com
Sababta Ka Dambaysa In Madaxweynaha Somaliland Ogolaado Qodobkii Is-Dhexgalka!
July 1, 2020 - Written by Berbera Today

Tan Iyo Intii ka Dambaysay 16-kii bishani June Ee sannadkani, Waxa Isa soo tarayay Wararka la xidhiidha wixii ka soo baxay shir Madaxeed Lagu Wada hadashiinayo Labadii dhinac ee ay ka koobnayd Jamhuuriyaddii Burburtey Ee Soomaaliyeed Amaba (Somali Republic) Magaceeda loo soo gaabin jirey SR, balse haatan la kala yidhaahdo Somalia oo loo soo gaabiyo SO iyo Somaliland oo haatan loo soo gaabiyo SL.

Kulankani Waxa ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo magaciisa saxda ahi yahay Cabdi Axmed Cali. Ugu horeyn markii uu tegay dalka Djibouti waxa uu Twitterkiisa ku yidhi. “Ra’iisal Wasaare Abiye Axmed iyo weftigiisu waxay yimaadeen magaalada Djibouti si ay uga qayb galaan kulan madaxeedka wada tashiga ee xidhiidhka u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland”.

Sida ka muuqata hadalka Ra’iisal Wasaaraha kulanku waa shir madaxeed ay ka qayb galayaan afar hogaamiye dal, waxaana la doonayaa in lagu wanaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya labada hogaamiye ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxa kale oo kulankani gudoominayay, isla markaana labada dhinac isku keenay, madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle. Isagana aynu hadalkiisii soo qaadano.

Haddaba si aynu u fahamno, hadalada diblomaasiyadda ee hogaamiyaha martida loo yahay, waxaynu u baahanahay inaynu ogaano, shakhsiyadda Geelle. Waxa laga yaabaa in aanay qaar badan oo dadka Soomaalida ahi war u haynin, Mudane Geelle, balse waa nin ku hadla dhawr luuqadood oo kala duwan, gaar ahaana waxa uu ku hadlaa afafka gobolka marka ay noqoto, Luuqadda Somaaliga oo ah tiisa asalka ah, Canfariga oo ah luuqadda 2-aad ee dalkiisa, Faransiiska oo ah afka Qaranka ee dalkiisa, Amxaariga oo ah luuqadda Laamanaha ugu weyn ee ay leeyihiin xidhiidhka ganacsiga Itoobiya, afka Carabiga oo ah luuqadda 3-aad ee dalkiisa, iyo luuqadda Ingiriisiga oo uu caalami ahaan u bartay. Sidaasi darteedna waxa lagama maarmaan ah in aynu qaadano luuqadda qaran ahaan ay isticmaalaan ee uu maalin walba shaqadiisa u isticmaalo si aynu u fahamno ujeedada ka dambaysa shirka. Waana in aynu soo qaadano, horta Madaxweynaha Djibouti markii uu shirka ku casuumay dhinacyada, waa maxay waxa uu Af-Faransiis inoogu sheegay ee aanu luuqad kale inoogu sheegin. Taasi oo ah qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu ku yidhi. “Waxaan beri ku Gudoomin doonaa Djibouti kulan u dhaxeeya, Madaxweyne Maxamed Cabdillahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi, si aanu u kor joogtayno dedaalada dhex-dhexaadinta ah ee laga dhex wado “labada shacab ee walaalaha ah”. Waxaan sidoo kale ku casuumay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya si uu uga qayb galo wada hadalada”.

Intaasi waa hadalkii Madaxweyne Geelle ee Af-Faransiiska ahaa, bal aynu barbar dhigno, waxa uu inoogu sheegay luuqadda Ingiriisiga oo ah luuqad ay ku shaqeeyaan Somaliland, Somalia iyo Itoobiyaba, isla markaana ay aad u fahmaan ra’yil caamka Soomaalida iyo Itoobiyaanka oo Aan dalalkooda aad looga isticmaalin luuqadda Faransiiska, marka laga reebo shakhsiyaadka cilmi baadhayaasha iyo khubarada luuqadaha iyo Diplomaasiyiinta oo turjumaad u doonta mooyaane. Waxaanu afka Ingiriisiga ku yidhi. “

Berri waxaan Djibouti ku gudoomin doonaa kulan u dhexeeya madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo daba socda dedaaladii dhex-dhexaadinta ahaa ee u dhaxeeyey l”Labada Hogaamiye”. Waxaan sidoo kale ku casuumay Ra’iisal Wasaare ABiye Axmed si uu uga qayb galo wada hadalada”.

Akhriste adiga ayaan kuu dhaafayaa, farqiga u dhaxeeya labada luuqadood.

Markii wada hadaladu furmeen, waxa uu madaxweynaha Djibouti ku yidhi twitterkiisa “dib u bilaabida wada hadalada Somalia iyo Somaliland waa talaabo aad u wanaagsan oo ku timid go’aanka hogaamiyayaasha gobolku inay ku xaliyaan kala duwanaashahooda wada hadal”.

Madaxweynaha Djibouti waxa uu isticmaalay ereyada Ingiriisiga ah ee “The resumption of the talks”  kuwaasi oo macnaynaya fariin diblomaasiyadeed.

sidoo kale Safaarada Maraykanka ee Somalia ayaa waxa ay ku tidhi qoraal ay soo saartay, “Waanu soo dhaweynaynaa wada hadalada maanta Djibouti uga furmay madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland, waxaananu uga mahad celinaynaa labada hogaamiye kulankooda taariikhiga ah, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa madaxweynaha Djibouti oo martigeliyay kulankani taariikhiga ah. Waxa kale oo aanu soo dhaweynaynaa iskaashi dhexmara Soomaalida, waxaananu ugu baaqaynaa dhammaanba Soomaalida inay qayb ka qaataan hawshani socota”.

Safaaradda Maraykanka ee Djibouti way ka yar duwan tahay hadal ahaan, kuwo hore ee aynu xiganay, waxaanad moodaa inay xagga Somalia u badan tahay, marka la eego ereyada Soomaalida iyo iskaashi dhexmara oo u eg in nooc midnimo ay doonayso, marka lagu qiimeeyo xagga diblomaasiyadda. Balse haddana Marka aad hadalkanina u fiirsato ereyga Iskaashi, waxa uu meesha ka saarayaa ereyga midnimo oo ah wixii ay Somalia doonaysay, laakiin aanu macnaheedu ahayn in hadda wixii ka dambeeya la kala tegay, waxaanay dhigtay dhexdooda.

Isku soo duuboo marka hadalka madaxda Soomaalida ee bilihii iyo sannadihii ina dhaafay dib loo raaco, haddii aad xasuusataan sannadkii 2019-kii markii uu madaxweynaha Somaliland khudbada u jeedinayay labada aqal waxa uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa inay dawladdo badani arrinteena taageereen oo ay xataa ka dhaadhiciyeen wadamadii adduunyada ugu tunka weynaa”.

Haddaba marka aad eegto hadalkaasi madaxweynaha Somaliland iyo kaalinta ay dawladda Maraykanku ku leedahay kulankani iyo waliba hadalada Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, iyo Safiirka Maraykanka ee Somalia waxa muuqata in Somaliland ay halkani fursad ka heshay. Waxaana la odhan karaa kulankani wuxuu xidhiidh la leeyahay qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay S/2017/507 ee sannadkii 2017. Farqadiisa 98-aad oo u qoran sidan. “The members of the Security Council intend to utilize “Arria-formula” meetings as a flexible and informal forum for enhancing their deliberations. To that end, members of the Security Council may invite on an informal basis any Member State, relevant organization or individual to participate in “Arria -formula” informal meetings. The members of the Security Council agree to consider using such meetings to enhance their contact with civil society and non-governmental organizations, including local non-governmental organizations suggested by United Nations field offices. The members of the Security Council encourage the introduction of such measures as lengthening lead times, defining topics that participants might address and permitting their participation by video teleconference.”

Qaraarkanina waxa uu daba socdaa mid isaga ka horeeyey oo uu soo saaray Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay sannadkii 2005-tii oo lagaga hadlayay dalalka colaadaha ka soo kabanaya, waxaana loo qabtay muddo shan sannadood ah. Ila akhri qoraalkani. 22. Recommends that the Commission terminate its consideration of a country-specific situation when foundations for sustainable peace and development are established or upon the request by national authorities of the country under consideration;

23;Reaffirms its request to the Secretary-General to establish, within the Secretariat, from within existing resources, a small peacebuilding support office staffed by qualified experts to assist and support the Commission, and recognizes in that regard that such support could include gathering and analysing information relating to the availability of financial resources, relevant United Nations in-country planning activities, progress towards meeting short and medium-term recovery goals and best practices with respect to cross-cutting peacebuilding issues; https://undocs.org/S/RES/1645(2005)

Ugu dambayn sida ku xusan habraaca maamulka ee sharciga ah ee hay’adda UNDP iyo UNSOM oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia gaar ahaana gargaarka bani’aadminada iyo siyaasadda (siday u kala horeeyaan) waxa ay si cad u qaateen sannadkii 2015-kii in ay dhexdhexaad ka noqon doonaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin Somalia iyo Somaliland waxaanay yidhaahdeen “In pursuit of the March 2015 UNSOM Strategic Roadmap to Support “Somaliland”, the UN will continue to collaborate with the latter on various areas of capacity building related to the Peacebuilding and Statebuilding Goals of the “Somaliland” Special Arrangement of the New Deal Somali Compact. Engagement by the UN will continue to be guided by the principle of neutrality to the final status of “Somaliland” and full transparency with the FGS. UNSOM stands ready to lend its good offices to facilitate dialogue with the FGS, as requested by both parties”

http://www.undp.org/content/dam/undp/library/corporate/Executive%20Board/2018/First-regular-session/DPDCPSOM3_UN%20Strategic%20Framework%20(2017-2020).pdf.

Haddaba sida ku cad heshiiska ay labada dhinac gaadheen, waxa la isla qaatay in aan la siyaasadayn gargaarka oo la wadaago  iyo mashaariicda horumarineed.

Aynu soo qaadano, wixii ka soo baxay kulankii Djibouti ee uu soo qoray madaxweynaha Djibouti.  “Guddiyadii farsamo ee la badan, waxay isla meel dhigeen oo ay ku heshiiyeen go’aamo dhaxal gal ah, oo ay ku jiraan gooni u maamulashada maalgelinta, wadaaga qaadhaanka iyo gargaarada caalamiga ah.

In la soo celiyo kalsoonida iyada oo la qabanayo kulamo joogto ah iyo daraasayn lagu samaynayo go’aamadii ay qaateen guddiyada labada dhinac oo ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee laga gaadhay wada hadalada Somalia iyo Somaliland u dhaxeeya”. Ingiriisi ahaana u qoran sidan. “the Federal Republic of Somalia and Somaliland have led to strong encouraging results where, the bipartisan technical committee set up has already agreed on an important set of decisions, including the unilateral right to investment and sharing aid and international humanitarian assistance.

https://www.facebook.com/PAGEOFFICIELLEIOG/?eid=ARARXIJlm4OYmVGpo-0_bKSiw9IUHY4nSu4p0UzmRQZNabejg-0ZAAfsVqTV4XavLvKDEuQiAntKJDGE

The restoration of confidence, illustrated by the adoption of a schedule of meetings and assessment of decisions of the bipartisan committee, is one of the greatest triumphs of the talks in Djibouti between Somalia and Somaliland”.

Qodob waynu isla fahamnay oo waa ka ah wadaagga caawimada iyo gargaarka caalamiga ah, kan kalena waa kan maalgelinta oo ay Somalia iyo Somaliland isku hayeen maalgelinta dekada Berbera ee shirkadda DP World. Waxa loo isticmaalay ereyga Unilateral oo macnihiisu yahay in dhinac gaar u maamulo.

Haddaba muxuu ka leeyahay qaanuunka caalamiga ah arrintani. Si aynu arrintaasi wax uga sii ogaano aynu dul istaagno shuruucda Qaramada Midoobay. Sida ku cad warbixinta qawaaniinta caalamiga ah ee UN-ka sannadkii 1974-kii, dawladda UK oo Somaliland xornimada siisay waxa ay ka saxeexday dawlad walba oo ay Somaliland ku jirto inay iyadu kelideed leedahay shakhsiyad qaanuuni ah (Legal Personality in the international Law), waxaana lagu yidhi Buugga Qaramada Midoobay ee dhinaca shuruucda isla sannadkaasi. Sharaxaadiisa, gaar ahaana farqadda 17-aad  “(17) Tani waxay u muuqataa inay cadayn u tahay hadalka UK in sharci ahaan loo tixraaco, ka bixista iyo gelista keli ahaanta ay u sameeyaan heshiisyadii hore, dawladihii ay gumaysan jirtay. Inay xaq u leeyihiin inay si madax banaan u dhaxlaan heshiisyadii hore”.

https://legal.un.org/ilc/texts/instruments/english/commentaries/3_2_1974.pdf

Sidaasi darteedna marka la eego hadalkii madaxweyne Biixi ee kulankaasi oo u badnaa dhinaca sharciga, waxay u muuqataa in xaggaasi maalgashi uu guul ka soo hooyay. Ku darsoo markii uu noqday hadalkii uu jeediyay madaxweynuhu wuxuu dadka kula dardaarmay inay ilaaliyaan cida dalka maalgashanaysa. Hadalkaasi oo loo turjuman karo, in hadda wixii ka dambeeya ay Somaliland heshiisyo dhinaca maalgashiga saliidda ah la geli karto si madax banaan shirkadihii hore ee Maraykanka ee hawlahaasi ka waday wadanka Somaliland.

Waxaana loo fasiri karaa inuu intaasi siistay madaxweynaha Somaliland intii gubaysay shacabka Somaliland ee la xidhiidhay isdhexgalka dhaqanka, ciyaaraha iwm.

Qalinkii; Mohamed Amin Jibril, freelance Journalist.

Hargaya Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews