berberatoday.com
Telefishanka Caalami Ah Oo Soo Saaray Liiska 11-kii Xasuuq Ee Ugu Xumaa Ee Afrika Ka Dhacay, Kuna Soo Daray Xasuuqii Siyaad Barre U Gaystay Shacabka Somaliland!
July 14, 2020 - Written by admin

Berlin(Berberatoday.com)-Dorraad Sabtidii waxa waddanka Bosnia and Herzegovina laga xusay sannad Guurada Labaatanaad ee ka soo wareegtay Xasuuqii ba’naa ee ay Seerbiyiintu u gaysteen shacabkii Boosniya kadib markii gaar ahaan magaalada xasuuqa Caanka ku noqotay ee Srebrenica lagu laayay in ka badan Kumannaan kun oo qof oo Boosniyaan ah.

Telefishanka waddanka Jarmalka ee lagu magacaabo Deutsche Welle (DW) oo ka warramayay xasuuqyada taariikhda galay ee lagu laayay kumannaan kun oo qof oo aan waxba galabsan ayaa waxa uu si gaar ah diiradda ugu saaray warbixin uu ka sameeyey xasuuqyadii ugu ba’naa ee soo mara ama ka dhaca taariikhda qaaradda Afrika, waxaanu warbixintaasi ku soo daray xasuuqii shacabka Somaliland kala kulmeen xukuumaddii Milatariga ahayd ee Janaraal Maxamed Siyaad Barre.

Telefishanka Deutsche Welle (DW) waxa uu soo saaray liis ka kooban 11 xasuuq oo ka kala dhacay dalal ku yaalla qaaradda Afrika oo uu ka mid yahay xasuuqii uu taliskii Maxamed Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland, dabayaaqadii Siddeetamaadkii, kaasi oo uu ku sheegay Telefishanku in ay ku naf waayeen oo lagu xasuuqay dad dhan 200,000 oo qof oo u badnaa qabiilka Isaaqa.

Telefishanka DW oo si gaar ah u soo qaadanayay xasuuqa lala beegsaday shacabkii reer Somaliland ee wakhtigaasi ku hoos jiray dawladdii Soomaaliya waxa uu yidhi: “Muddadii u dhaxaysay 1987-kii Illaa 1989-kii waxa Soomaaliya lagu xasuuqay 50,000 illaa 200,000 oo qof oo shacab ah kuwaasi oo u badnaa Qabiilka Isaaqa. Waa Xasuuqii Hargeysa oo ay gaysteen Milatarigii Janaraal Maxamed Siyaad Barre”.

Telefishanka waddanka Jarmalku Liiska 11-ka xasuuq ka kooban ee uu soo saaray waxa ay 10-ka kale kala yihiin sidan:

1;Xasuuqii ka dhashay dagaalkii Biafra oo ahaa sannadkii 1966-kii, waxa uu ka dhacay waddanka Nayjeeriya. Waxaana lagu laayay dad ka badan 30,000 oo qof.

2;Xasuuqii Ikiza oo lala beegsaday shacabka Tuutsiga waxa uu dhacay sannadkii 1972-kii waxaana xasuuqaasi gaystay qawmiyadda cadaawaddu u dhaxayso ee Huutuuga, waxaanu ka dhacay waddanka Burundi. Waxa xasuuqan lagu laayay 30,000 oo qof in ka badan.

3;Xasuuqii loo gaystay qawmiyadaha Acholi iyo Lango ee waddanka Uganda waxa gaystay ciidamadii hogaamiyihii dalkaasi Iddi Amin, waxaana lagu laayay in ka badan 300,000 oo qof.

4;Xasuuqii Ciidamada Jarmalku ka gaysteen waddanka Namibia intii u dhaxaysay 1904 illaa 1908. Waana xasuuqa loo yaqaan gumaadkii Herero iyo Nama oo ah qawmiyadaha la xasuuqy. Jarmalku waxa ay xasuuqaasi ku dileen in ka badan 110,000 oo qof.

5;Xasuuqii Bambuti oo ay gaysteen xoogag maleeshiyaad ahi waxa uu sannadihii 2002 illaa 2003 ka dhacay waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo. Waxa la sheegaa in ay ku dhinteen 70,000 oo qof.

6;Xasuuqii Daarfuur oo Galbeedka waddanka Suudaan ka dhacay waxa lagu laayay Caruur, haween iyo dad kaleba, waxaanu bilawday 2003 illaa imika waa uu socdaa waxaana gaysta maleeshiyaad. Xasuuqan waxa laga diiwaan galiyay in ay ku dhinteen 500,000 oo qof.

7;Xasuuqii ka dhacay waddanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Koongo sannadihii 1996 illaa 1997 waxa lagu laayay in ka badan 230,000 oo qof.

8; Kanna waa xasuuqii ugu xumaa ee soo mara taariikhda qaaradda Afrika. Sannadkii 1994-kii waxa waddanka Rwanda lagu xasuuqay in ka badan 1 Milyan oo qof oo qawmiyadda Tutsi ah waxaana xasuuqa gaystay Huutuuga iyo Tawa.

9’ Xasuuq ka dhashay dagaalo qawmiyadeed oo dalka Brundi ka dhacay sannadkii 1993-kii waxa isna ku naf waayay in ka badan 50,000 oo qof waxaana lagu xasuuqay dad Tuutsi ah oo ay laayeen Huutuugu.

10;Xasuuqii Gukurahnand waxa uu intii u dhaxaysay sannadihii 1983-kii illaa 1987-kii ka dhacay waddanka Zimbabwe waxaanu maamulkii Robert Mugabe ku laayay in ka badan 30,000 oo qof oo ah qawmiyadda Ndebele.

HALKAN KA KAHRI LIISKA XASUUQ EE VTGA USOO BANDHIGAY;

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews