berberatoday.com
Mashruucii Dhismaha Dekeda Ciidan Ee Imaaraatku Berbera Kasameysanaayay Oo Gabi Ahaanba Fashilmay Iyo Shirkadii Dhisaysay Iyo Qalabkeedi Oo La Qabtay Iyagoo Dalka Ka Baxsanaya+Dayn Loo Haysto
July 19, 2020 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Iyada uu fashilmay islamaraakana uu istaagay Mashruucii dhismaha Dekeda Ciidan ee Dawlada Imaaraatku ka samaynaysay Duleedka galbeed ee magaalada Berbera islamaraakana ay dhisay shirkda Diver Marine Construction LLC ee Mulkiyadeeda uu leeyahay nin falistiiniya oo lagu magacaabo Cabdalla Darwiish ayaa waxa habeenka caawa ah Dekeda Berbera iyada oo laga rarayo la joojiyay qalabkii Dekedaasi dhisaayay oo isugu jira cagafyo, Wiishash, xafaarado, Gaadiid Iskarogooyin ubadan iyo noocyo kaloo badan oo kamida qalabka dhismayaasha ay leedahay shirkadani Diver Marine Construction LLC oo loo raraayay dalka falastiin oo shirkada fadhigeedu yahay.

Joojinta Qalabka dalka Debediisa loo raraayay ayaa waxa ka danbaysa dayn cadadkeeda lagu sheegay 600,000$ lix boqol oo kun oo dollar oo shirkadan ay ku leeyhihiin muwaadiniin Somalilanders ah kuwaas oo kala ah iskaashatada gaadiidka iskarogooyinka ee dhismaha Dekedan fashilantay ka shaqeynaayay iskaashatada booyadaha Biyaha siin jiray shirkadan Booshariyada khudaarta iyo cunatada looga qaadi jiray shaqaalaha shirkadan iyo kaalmaha shiidaalka siin jiray oo caawa ogaaday in qalabkii shirkadaas oo geeraash ku xereysnaa si hoose loo rarayo iyada oo aan dayntaas la bixin lagana wada hadlin waxaan sidaas uxaqiijiyay shabakada wararka ee Berberatoday qaar kamid masuuliyiinta iskaashatooyinka iyo shirkadahan ganacsi oo sheegay in lacagtaas lagala baxsanaayay ninkii carbeed ee shirakada lahaana waa hore dalka ka baxsaday shaqaduna ay mudo sanad iyo badh ah ka hor istaagtay dekedii la doonaayay in la dhisana hada badu buuxisay dhulkii la qoday sideedii horena ku noqotay.

Qalabkan ayaa waxa si hoose oo jabaq la,aana uraraayay caawa markii la joojiyay Wakiilka Mulkiilaha shirkadan oo Xuseen Maxamed Xasan oo lagu naanayso Cukaashe 00 ay isku jufo hoose kasoo wada jeedaan wakiilka somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Masuuliyiinta Gobolka saaxil iyo Degmada Berbera oo ay udacwad tagteen Daylayaashani ayaa joojiyay qalabkan inuu dalka ka baxo ilaa inta daynta muwaadiniintan la bixinayo.

Mashruuca Dhismaha Dekedan Ciidan ee Dawlada Imaaraatka dhidsanaysay ayaa mudo hadda la joogo sanad iyo badh ka hor istaagay iyada oo aan marka horena wax sidaasa oo dhisme dekedeed ah aan la samaynin marka laga reebo xorafado waaweyn oo bada dhinaceeda laga qoday oo loogu talagalay in sabada dhismaha Dekeda la saaro kadibna bada lagu soo faruuro.

Faashilka Mashruucan ayaa ku biiriya liiska mashaariicdii faraha badnaa ee hore uu ubalaan qaaday dawlada isuataga Imaaraatku ee Fashilmay iyaga oo qaarkoodna bilawgii horeba ku fashilmeen halka qaarna aan la bilaabinba waxaana haboon in badhitaan rasmiya lagu sameeyo sababaha keenaya faashilka mashaariicdan labada dawladood hore qalinka ugu wada duugeen.

Berberatoday.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews