berberatoday.com
Madaxwaynaha Oo Ka Digay In Indho Qabiil Lagu Eego Arimaha Qaranka, Soona Jeediyay In Loo Diyaar Garoobo Doorashada.
July 30, 2020 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa isaga oo arimaha doorashada ka hadlayayay wuxuu shacabka uga digay in indho qabiil lagu eego arrimaha qaranka iyo madaxda  qaranka xilalka kala duwan u haya, isaga oo   usoo jeediyey  in doodaha jira si qarannimo leh loo eego, “Meelaha ay ka jiraan shaqaaqooyinku ee u badan deegaan yar oo la isku haysto, Berked meel laga qodo, xoolo daaqeen, Beer iyo jago dalkuna waa inagu filan yahay, waana wada leenahay marka la is qabto si miyir qabta halloo maamulo, dadka waayeelka ah, rag iyo dumar, cirroole iyo carruurba inta la isugu tago khilaafka halkiisa hallagu qabto oo hallaga daayo khilaaf kasta oo yimaadda iyo doodaha yimaadda ee loo rogaya  sida qabaliga ah, dood kasta oo qaranka  ka dhexaysa in loo rogo qabiilo ma aha, shaqo qaran qofkii hayana in la qabiileeyo ma aha oo sidaas dawlado kuma dhismaan, waxaynu doonaynaa inaynu qabiilka ka guurno oo u dhawaanno dhinaca qarannimada oo wax walba si qarannimo ah loo eego,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidoo kale ka hadlay ifafaalaha doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee inagu soo foolka leh, isaga oo shacabka usoo jeediyey inay doorashada u arkaan arrin dalka muhiim u ah oo lagu soo saarayo haldoorkii iyo labeentii shacabka hoggaamin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan ku talinayaa inay dadku doorashada u arkaa arrin dal ahaan aynu doonayno inaynu hore ugu marno oo dadka inta wanaagsan ee ina hoggaamin karta aynu ku doorano heer walba, haddii ay dawlado Hoose tahay, mid Baarlamaan iyo mid madaxweyne.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu dardaaran usoo jeediyey dadka uu hungurigu kaga jiro inay kamid noqdaan goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee la filayo in dhawaan la doorto, waxana uu usoo jeediyey inay bulshada ka yareeyaan xamaasadda iyo cunfiga kala qoqobka keenaya.

Wa Bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews